22nd December 2024 admin Category :
Markii SNM heleen taageerada Isimada Maakkhir, waxay shaqada ka eryeen saraakiishii u shaqayn jirtay ee ka soo jeeday Maakhir
Muuse Daylaaf, oo maamulka SNM ugu magcawnaa Taliyaha ciidanka booliiska Gobolka Sanaag ayaa laga qaaday xilkii uu hayey, waxaana lagu bedelay nin ka soo jeeda Beesha Habar jeclo, oo ka mid ahaa saraakiishii beesha Isaaq ee hogaaminaysay dagaalkii Kalshaale . Taliyahan xilka laga qaaday ayaa diiday in Sanaadiiqda SNM la geeyo degmada Dhahar ee uu ka soo jeedo. Sababtoo ah dagaal dad ku dhinteen ayaa ka dhacay degaano hoos taga degmada Dhahar, mar maamulka SNM sanadkii hore isku dayeen inay sanaadiiq geeyaan.
Sidoo kale waxa xilka laga qaaday Taliye Ahmed Saed Gegaroor, oo ka soo jeeda degmada Xingalool. Xingalool waxay ka mid tahay degaanaddii uu xasuuqa ka gaystay Gacan ku dhiigle Muuse Biixi.
Magaalada Hadaaftimo ayaa sida la sheegay waxa loo soo dirayaa Urur ciidamada SNM ka mid ah, oo ka imanaya degmada Gabiileey, waxayna ilaalin doonaan Isimada iyo siyaasiyiinta la shaqeeya maamulka Hargaysa ee ku sugan gobolka Sanaag
Muuqaalka hoose ninka ka hadlaya waa qurba joog reer Maakhir ah, ku dhashay kuna barbaaray degmada Burco ee gobolka Togdheer , aaminsana hadalada asxaabtiisa reer Burco ay ku wada sheekaystaan ee ah in Somaliland dal madax banaan tahay oo doorashooyin ka dhacayaan.
Xingalool maaha bahalo galeen, shir SNM lagu taageerayo lagu qaban maayo ee ha la ilaaliyo wada noolaanshaha bulshada reer Xingalool
https://youtu.be/H6IGDpvwWF8