25th December 2024 admin Category :
Waa mid ka daran musuqmaasaqa madaxda Soomaalidu sameeyaan
Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Switzerland ayaa ka soo qaaday 11 gaari uu leeyahay madaxweyne ku xigeenka dalka Equatorial Guinea ee galbeedka Afrika, oo la daba socday isaga oo lagu soo eedeeyey musuqmaasaq uu sameeyey.
Teodorin Obiang Nguema, oo uu dhalay madaxweynaha dalkaasi ayaa dawladda Switzerland waxay ka soo fara marooriyeen 11 gaari oo ah kuwa raadxada. Gawaaridan waxa ka mid ah Porsche oo qiimihiisu yahay $830,000 kun oo doolarka Maraykanka ah iyo Bugatti Veyron oo isaguna qiimihiisu yahay $2milyan oo doolar.
Dalkan Afrikaanka ah ayaa gaas laga helay sanadkii 1995, waxaaana hogaamiya kaligii taliyaha Afrika ugu waqtiga dheer oo lagu magcaabo Teodoro Obiang Nguema
Xukunka wuxuu qabsaday 1979