26th December 2024 admin Category :
`Arimahan noocan oo kale ah waxay dhiiri gelinayaan kuwa Soomaliya diidka ah inay ku soo dhiiraadaan qabsashada degmada Badham. Yaasiin Cismaan Saalax (Gurey), Yaan loo sacab tumin oo qabiil lagu taageerin ee ha la qabto intaan xabadda afka ka bixin oo dhiig ku daadan gobolka Sanaag.
Ninkan sida muuqaalka ka muuqata ma haysto ciidan iyo hub, waxa qura uu haysataa waa kalsooni oo ka haysto qaybo ka mid ah bulshada gobolka Sanaag. Qardho ilaa Ceerigaabo looma maro Badhan. Haddii Gurey Run sheegayo oo dagaalku ka dhab yahay inta uu xaafada ka soo dhex baxo ha tago Qardho iyo Dhahar inta u dhaxaysa ama Dahar iyo Xingalool ama Xingalool iyo Damala Xagare.