26th July 2024  admin  Category :

Beesha Isaaq oo ku midowday argagixinta bulshada gobolka Sanaag.

Beeshii Habar yoonis iyo Caare oo horay u oran jiray  waxaan ka xoroobaynaa Jeegaanta ayaa hadda  noqday kuwa hor boodaya maleeshiyaadka aadka u hubaysan ee ka yimid galbeedka.

Maleeshiyaadkan ka yimid Galbeedka, waxay si nabad ah ku soo dhaafeen ama ku soo dhex mareen  dhamaan degaanada ay degaan beesha Habar yoonis. Geel iyo xoolo ayaa loogu qalayey degaanadaas iyaga loogu hablyeeynayo inay qabsan doonaan  degaano ay Faqashtu degto .

Ismaaciil Xaaji nuur iyo beeshiisa Habar yoonis  oo dano siyaasadeed ka leh gobolka Sanaag ayaa sida muuqata u hirgalshay  riwaayad ay ka gadeen madaxda Puntland. Laakiinse bulshada gobolka Sanaag ayaa la sugayaa jawaabta ay ka bixiyaan.

https://allsanaag.com/jabhadeen-puntland-umma-baahna/

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*