23rd December 2024 admin Category :
Sidee ku ogaan kartaa in madaxweynaha Puntland uu soo dhisay dawlad tiro yar oo tayo leh
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni, oo siyaasad ahaan u dabran Hagbadda iyo habka lagu doortay, ayaa waxa laga sheegay inuu soo dhisayo gole wasiiro oo tiro yar.
Hadaba sidee ku ogaan kartaa in dawladda uu soo dhisay Cabdul Ra’uuf ay tahay mid tiro yar.
Xeer baa jira ay isticmaalaan siyaasiyiinta beesha Majeerteen oo oranaya Wasiirka beeshu ku leedahay Federaalka waa inaanu noqon beesha markaas madaxweynaha ka ah Puntland. Madaxweyne Deni oo Qardho ka soo jeedaa sidan ayuu wasiir kaga noqday dawladda federaalka markii uu Puntland Faroole madaxweynaha ka ahaa oo ka soo jeeday Garowe. Juxa iyo Cawad oo ka soo jeeda Garowe wasiiro ayeey ka noqdeen Federaalka markii Gaas oo ka soo jeeda Gaalkacayo uu Puntland madaxweynaha ka ahaa.
Xeerkan ay siyaasiyiinta Beesha Majeerteen isticmaalaan, haddii mid la mid ah uu sameeyo madaxweyne Deni oo ah beeshaydu hogaankii Puntland ayeey haysaa, kursigana kumana aanan iman hal qof iyo hal cod sidaas awgeedna sidaan uga kaaftoono wasiirka federaalka marka jufo inaga mid ahi ay hayso hogaanka Puntland ayaa maantana uga kaaftoomaynaa golaha wasiirada Puntland si loo helo midnimo iyo kursiga oo ii xalaalooba.
Haddii uu arintaas sameeyo madaxweyne Deni dawlad tiro yar oo tayo leh ayuu soo magcaabay, hadalkii uu yirina run buu ka sheegay
Ugu danbayntii madaxweyne Deni oo u dabran hagbadda uu madaxweynaha Puntland ku noqday oo inta badan Bulshada reer Puntland aanay taageersanayn xilligii uu murashaxa tartamayey ahaa iyo isaga oo ku xiran qoyska reer Faroole oo aan sumcad fiican ku lahayn guud ahaan bulsada Puntland, wuxuu sii curyaamayaa marka uu soo dhiso gole Faroole iyo Cali Cabdi Awaare ay u soo qoreen oo Wasiirkii maaliyadda uu noqday mid beeshooda ka soo jeeda
Allsanaag.com