BF Oo Musuq-Maasuq Ku Helay Xukuumada Kheyre Iyo Gobolka Banaadir + $20 Milyan Oo La La’yahay
Guddiga Miisaaniyada, Maaliyada Qorsheynta iyo La xisaabtanka dowladda ee Golaha Shacabka ayaa maanta soo saaray warbixin xasaasi ah oo musuq-maasuq xooggan ku eedeysay xukuumadda Kheyre iyo maamulka Gobolka Banaadir.
Warbixinta guddiga soo saaray ayaa looga hadlay wax is daba marin iyo in si qaldan loo maamulay miisaaniyadda dalka laga soo bilaabo Janaayo illaa Agosto sanadkan.