29th November 2024 admin Category :
Madaxweyne Farmaajo hogaankii Soomaaliya ma waxa uu ka doortay maalgelinta mucaaradka maamul goboleedyada
Haddii dawladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda Dawlad goboleedyadu ayna wada hadlin, yaa kaalintaas buuxiyey oo ay dawladda Federalka Soomaaliya ay wada hadal iyo wada shaqayntu ka dhaxaysaa
Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ay hogaanka u hayaan Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaaji iyo Ra’isulwasaare Xasan Cali Kahayre, ayaa haba yaraatee aan wax wada shaqayn ah la lahayn madaxda maamul goboleedyada oo ka taliya dalka intiisa badan.
Dalalaka reer galbeedkka ayaa kalmaddan power vacuum aad ugu isticmaalala arimo kala duwan, hase ahaatee marka ay siyaasadda ka hadlayaan power vacuum, waxa loo isticmaalaa “when someone has lost control of something and no one has replaced them.” ” marka qof lumiyo waxa uu haysatay oo aan la helin wixii lagu bedeli lahaa. Tusaale Soomaaliya 1991 ayeey dawladnimadeedii lumisay ilaa hadana lama hayo wax dhaama oo lagu bedelo dawladdii markaa la haystay.
Dawladda federaalka Soomaaliya oo uu madaxweyne Farmaajo hogaanku u hayo, ayaa iyagu xiriirka xumaaday ee dawlad goboleedyada xubnaha ka ah dawladda federaalku waxay ku bedesheen taageerada ay siiyaan qaar ka mid ah murashaxiinta maamul goboleedyada oo ay iibsadaan , maalgelin ay lacag ku bixiyaan in laga amaano FACEBOOK iyo wiilkooda Amin Caamir ku mushahaar qaata amaantooda
Ugu danbayntii sida madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo waxa u wado oo xitaa emailkiisa furaha lagu galo ay da kale u hayaan , oo u ku khudbadaynayo qoraal federaal diid ah oo loo soo dhiibay, Soomaaliya waxay ku sii jiraysaa sida ay maanta tahay iyo inay ka shaqayso xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho
ALLSANAAG.COM