27th December 2024 admin Category :
Beelaha u baahan inay ka fekeraan xildhibaanada ay u soo dirsanayaan golaha degaanka degmada Boosaso
Beesha Dishiishe, oo ah beesha ugu tirada badan beelaha dega degmada Boosaso , oo ay u badan tahay inuu noqdo duqa soo socda ee magaalada Boosaaso xildhibaan ka soo jeeda bereshaas, ayaa bulshada ku nool degmada Boosaaso iyo degaanada hoos taga waxay sugayaan in beeshaasi dhexdoodu ay iska soo xulaan kuwooda ugu aqoonta badan, ugu kartida badan, bulshada reer Boosaso iyo degaanada hoos yimaada sumcad ku leh, la shaqayn kara maadaxda maamulka Puntland iyo kuwa federaalka.
Xildhibaano wax ka qaban kara amniga degaanka , bilicda magaalada Boosaaso iyo Canshuuraha bulshada laga soo qaado oo aan la musuqmaasiqin.
Xildhibaan la yimaada mid ka duwan kuwa Muqdisho ee ah “Muqdisho unugaa leh’ , oo isagu halhays ka dhigta “Boosaso inagaa wada leh”
Beesha Dubays ee Warsangeli, oo u badan degaanada ka baxsan magaalada Boosaaso, ayaa iyagana la sugayaa inay iska soo xulaan dhexdooda xildhibaan wax ka qaban kara amniga xun ee ka jira degaanada beeshu degto , Xildhibaan dib u dejin u samayn kara dadkii ka barakacay degaanadooda, xildhibaan ka shaqeeya sidii beeshu u yeelan lahay xildhibaan Federaa ahl. Xildhibaan fahansan in degaankiisa xoog lagu haysto
Beesha Gaashaanbuureed oo xildhibaankii hore xanuunsanyo, iyagana waxa la sugayaa in dhexdooda iska soo xulaan xildhibaan aqoonyahan ah, karti leh ka soo jeeda beelaha kale ee Gaahaanbuuredd , oo hadda iyagu haya xildhibaanka maamul goboleedka Puntland.
Xaq uma laha , xeerka Gaashaanbuurna waa jebinayaan beesha reer Xaaji haddii ay isu soo sharaxaan Xildhibaanka golaha degaanka magaalada Boosaso. Waana in cod wada jir ah lagu canbaareeyaa kuwa hunguriyeena ama u hanqal taagaya xilkaas. Midnimada ayaa sidaa ku jirta iyo inaan hub lagaaga dhigan berito oo aan la oran caddalada aad adigu samayn wayday miyaad Aanaga naga rabtaa
Ugu danbayntii Boosaaso maanta waxay u baahan tahay in loo hiiliyo oo la soo xulo xildhibaano wax ka qaban kara amniga magaalada, bilicda iyo horumarka
Allsanaag.com