29th March 2024  admin  Category :

Yaxaaskani wuxuu ka badbaaday dagaalkii labaad aduunka shalay ayuu dhintay

Xamaaratadan lagu magcaabi jiray Saturn, wax yar ka dib dhalashadiisii Maraykanka , ayaa sanadkii 1936 hadyad loo siiyey xerada Xayawaanka ee Berlin. Wuxuu ka cararay beertii uu ku jiray ama lagu hayey markii la duqeeyey dagaalkii labaad ee aduunka 1943.

Shalay subax, Yaxaaskii Saturn waa dhintay . Wuxuu jiray 84 sano.

74 sano waxa lagu soo booqanayey oo loogu daawasho imanayey xerada xayawaanka Moscow.

Xan hoose ayaa jirta, oo la leyahay Yaxaaskano beerta Xayawaanka Berlin ma lahayn ee waxa lahaa oo guriga u joogay Hogaamiyihii Naziga Adolf Hitler

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*