11th May 2024  admin  Category :

Aqoonyahan Faysal jaamac loo badinyo inuu noqdo Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga Dawladda soo socota ee Soomaaliya yeelan doonto.

Aqoonyahanka  dhalinyarada ah ee ka soo jeeda degaanada Puntland Faysal Jaamac, ayaa loo badinayaa inuu noqdo Wasiirka soo socda ee Qorshaynta iyo iskaashiga Caalamiga Soomaaliya ee dawladda R’aisawasaare Xasan Cali Kheyre

Faysal, ayaa ka soo jeeda gobolka Mudug, Puntland, in badana  ku noolaa magaalada Edmonton, gobolka Alberta ee dalka Canada. Intuu joogay Magaalada Edmonton Faysal wuxuu  maareeye guud ka noqday  mid ka mid ah Shirkadaha ganacsiga ee  ugu waaweyn dalka Canada oee lagu magcaabo Loblaws. Loblaws ayaa dalka Canada ku leh in ka badan  2000 oo Suuqyada waaweyn supermarket.

Faysal  sida la sheegay,  maanta magaciisu wuxuu yaalaa  xafiiska Ra’isawasaaraha Soomaliya , Sababtoo ah waa aqoonyahan aad ugu fiican ganacsiga iyo xiriirka Calaamaiga. Waana sababta loogu badinyo inuu noqdo   wasiirka Qorshaynta iyo iskaashiga Calaamiga.

Faysal xilkan wasiirnimada waxa kula tartamaya , Cali Xaaji oo horay uga mid ahaan jiray ururka Alitixaad. Markii danbena wasiir u noqday madaxweyne  Gaas markii  ku guulaystay doorashadda Puntland  . Inkastoo markii danbe xilka laga qaaday

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*