27th July 2024  admin  Category :

Madaxweyne Gaas,  dhowrkan arimood ayaan ku taageersanahay maanta.

Published on: Mar 8, 2017

Siyaasiga iyo siyaasaddu midna ma laha saaxiib iyo cadow joogto ah, laakiinse had iyo jeer waxay ka war hayaan oo ka ag dhow tihiin  meesha ay dantu ugu jirto ama dadka ay metelayaaan ay xiisaynayaan oo ay u dhegta u taagayaan

Hadaan arintan siyaasadda iyo siyaasiga labo tusaale u soo qaadano.

Dhowr  sano ka hor madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo hadda ah xisbiga Republican, wuxuu lacag ku bixinayey ololihii   doorashaddii Charles E. Schumer uu ugu oradayey  Aqalka sare ee Gobolka New york Isaga oo ah xisbiga Dimoqraadiga, Maanta labadan nin siyaasadda aad ayeey isaga soo hor jeedaan . Waana isku khilaafsan yihiin arin kasta iyaga oo kala ah labo Xisbi

Tusaalaha labaad waa doorashaddii Soomaaliya ee dhowaan ka dhcaday magaalada  Muqdisho, ayaa waxa lagu  arkayey meelaha lagu kulmo  Madaxweyne Faroole iyo madaxweyne Culusoow oo noqday   Ul iyo diirkeed. Iyaga oo horay siyaasadda aad u kala dheeraa  Sababtuna waxay ahayd  Madaxweyne Faroole oo dantiisa ka arkayey in Xasan Culusoow ku guulaysto doorashada .

Maanta siyaasiyiin taageersan Somaliland iyo Aaran jaan oo dantooda halkaa ka arkay, ayaa Allsanaag ku haysta maxaad u taageersaysaan Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas dhowrkan arimood ayaan ku taageeraynaa:

1- Puntland,  shantii  sanoba hal madaxweyne ayeey doorataa oo ka taliya  . Sidaas awgeed madaxweynaha Puntland maaha madaxweyne hore ee waa madaxweynaha markaas xilka haya. Cabdiraxmaan Faroole si kasta oo uu maanta isu arko isagu , xaqiiqdu waa madaxweyne hore

2 -Mucaaradka madaxweynaha Puntland  Cabdiweli Gaas,  waa Aaran jaan, Marabidda Harti ee  la shaqaysata SNM, Alshabaab, Mooryaan. sidaas awgeed dhex dhexaad kama noqon karno Gaas iyo mucaaradka aan kor  ku soo xusnay  . Waxaana taageersanahay madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas.

3- Madaxweyne Gaas gobolka Sanaag wuxu ka wadaa oo isaga  fikirkiisa ahayd mashruucii ugu weynaa  ee abid  laga hirgeliyo gobolkaas. Kacaankii Siyaad bare ama   dawladihii ka horeeyey midna wax uma qaban gobolka Sanaag . Madaxweynaha dhisaya jidka Ceel daahir iyo Ceerigaabo iyo nin qaylinaya oo xukun raadinaya labadaa siyaasi miisaan   ma wada saari karno. Sidaas awgeed madaxweynaha horumarka wadaa waa taageersanahay. Waana la shaqaynaynaa

Ugu danbayntii qodobka ugu danbeeya waa arinta ah Puntland ha isku tashato. Fikirkan in laga maarmi karo Gacan hooris shisheeye oo Soomaali wax qabsan karto,  ayaa wuxuu yahay  fikir ka yimid reer Maakhir. Waana sababtii keentay inay isku balansadaan inay Deked, Jaamacad iyo Jid samaystaan iyaga oo isku halaynaya waxay jeebka ku haystaan iyo Soomaalida horumarka jecel, si ay umadda Soomaaliyeed inteeda kale tusaale ugu noqdaan.

By: Khaalid Uurcad

ALLSANAAG. COM

 

Allsanaag.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*