26th April 2024  admin  Category :

Golaha degaanka ama Baarlamaanka ayaa ansixiya jidka ama Daarta loogu magac darayo Qof Bullshada wax u soo qabtay, Taliye shaqo kuma laha arintan

Allah ha wada u wada naxariistee Taliyaashii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed soo maray oo qaarkood asaaseen Ciidanka Boolisska sida Jaamac Cali Qorsheel, Maxamed Abshir iyo Jaamac Maxamed Qaalib, weli hal Bogcad oo ku taal caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho looguma magac darin. halka beesha Degta Muqdisho sanad walba qofka ka geeriyooda loogu magac daro meel ka mid ah magaalada Muqdisho oo Soomaali oo dhan Caasimad u ah.

Maanta isaga oo sharci iyo Dastuurla Somaaliyeed aan cuskan, dhaqan ahaan aad u liidata in xil ama lacag laysku waydiisto Xabaal dusheed , yaa isaga o o shaqadiisa ilashanaya beesha Muqdishona raali gelinaya ayaa taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxmed (Xijaar). wuxuu Ugu Magac-daray Xarunta Ciidanka Haramcad Alla U Naxariistee Generaal Faxraan.

Sharci ahaan arintan waxa qabta golaha degaanka ama Baarlamaanka keena Xildhibaanka laga soo doorto jidka ama Daarta la doonayo in loogu magac daro qof howl weyn u soo qabtay Bulshada ama arimo faaiido badan leh leh ku soo kordhiya bulshada “extraordinary public service or some exemplary contribution” 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*