28th January 2022  admin  Category :

Wiilkeedii oo 13 jir ah oo uu ku dhacay cudurka Covidka, ayeey gaariga gadaaashiisa ku riday si uuna u qaadsiin xanuunka

Sarah Beam, oo 41 jir ah, kuna nool gobolka Texas ee dalka Maraykanka ayaa lagu eedeeyey inay khatar gelisay wiilkeeda oo ay ku riday gaariga yar dhiniciisa danbe, iyada oo ka cararaysa inuu xanuun qaadsiiyo

Hooyadan, ayaa bishan horaanteeda waxay soo istaagtay meel ka mid ah meelaha lagu baaro xanuunka Covidka

Eedaysanahan ayaa shaqaalihii goobta waxay u sheegtay inay halkan u timid in wiilkeeda baaritaan siyaado ah lagu sameeyo, waxayna sii raacisay intay soo socdeen in Wiilkeedu ku jiray gaariga gadaashiisa, oo ayna doonayn inuu xanuunja qaadsiiyo

Shaqaalihii ayaa waydiiyey oo meeyey hadda wiilkii. Albaabka danbe intay furtay ayeey tidhi waa kanaa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*