29th March 2024  admin  Category :

Waa maxay Shuruudaha Farmaajo ka rabay Puntland iyo Jubbland oo ay buuxin waayeen?

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa ku sheegay “sababta dowladda Federaalku ay u siin la’dahay maamuladda Jubbaland iyo Puntland lacagihii min halka milyan ee doolar oo ay u balanqaaday inay siinayso dowlad goboleedyada Soomaaliya ay tahay inay IYAGU buuxin waayeen shuruudihii.”

Wasiir Bayle wuxuu sheegay in lacagtaasi loo diray dowlad goboleedyadii buuxiyay sharuudihii ka horeeyay lacagtaas.

“Lacagahaasi waxay ahaayeen lacago loogu talo galay in wax looga qabto ka hortagga xanuunka Corona-virus, laakiin lacagahaasi waxay u baahan yihiin sharuudo ku xiran .

Madaxda Caalamka oo dhan Mucaarad iyo Muxaafid, dawladihii ay colaaddu ka dhaxaysay Qarnaiyada, maanta siyaasad wax la yiraahdo dhinac ayeey iska dhigeen, waxayna ka midaysan yihiin sidii ay ula dagaalami lahaayeen Cudurka Coronavirus, waana sababta ay bulshada caalamku markii horeba ay lacagta ku siiyeen dalka Soomaaliya, iyaga oo aan haba yaraatee wax shuruud ah ku xirin.

Hadaba Waa maxay shuruudda ku xirnaan karta lacagta caalamku ugu deeqday dawladda Soomaaliya inay kaga hor tagaan xanuunka Coronavirus, oo ay hadda Soomaalida qaarkeed Shuruud uga dhigeen inay helaan?

Daciifnimo iyo hoggaan xumo ka weyni ma jirto in maanta lacagtii Soomaali loogu deeqay shuruud looga dhigo yaa ugu Durbaan iyo Niiko badan iyo yaa sacab u tumaya Madaxweyne Farmaajo.

Ma’aha markii ugu horaysay ee lacagta caalamku ugu deeqday Soomaalida si khaldan loo isticmaalo oo horay maamulo jiray ayaa lagu burburiyey si Kursiga loogu fariisyo koox gaar ah oo Villa Wardhiigleey Dantooda ka arkayeen.

Maanta Buula barde, Hirshabelle shuruudii ayeey buuxiyeen ay saamiga halka milyan ah kaga heli lahaayeen dawladda Federaalka. Sababtoo ah Madaxweyne Awaare ayaa Durbaanka u tumaya Villa Wardhiigley taas oo ah mid wax lagu siiyey.

Bulshada ku nool Burtinle, Puntland, iyagu ma buuxin shurudihii ay kaga heli lahaayeen saamigooda halka Milyan ee dawladda federaalku maamul goboleedyada u balan qaaday, Sababtoo ah madaxweyne Deni ayaan heesihii kacaanka laga kari la’yahay inuu qaado oo si indho la’aan ah u taageero Villa Wardhiigley.

Farmaajo iyo Bayla waxa intaas u sii dheer labada weji oo midna umadda Soomaaliyeed ay kula hadlaan oo Shuruudaha ku xirayaan iyo midka Bulshada Caalamka ay magaca Soomaaliyeed lacagta ugu waydiisanayaan, iyaga oo aan u kala saareen qaybo qaybo si lacagta gacanta ay ugu dhigaan.

Bayle oo waraysi siiyey Idaacadda BBC ee afka Ingiriiska, wuxuu sheegay sidan ” Xanuunka Covid- 19 dhaqaalihii wadanka meel xun ayuu gaarsiiyey.”

wuxuu yidhi ” dhaqaalihii dalka 40% hoos ayuu u dhacay”. Hadii dhaqaalaha Soomaaliya hoos u dhacay maxaa keenay in qofkii la kaalmayn lahaa maanta Shuruud macno daro ah loogu xidhay deeqdii Caalamku ugu deeqday?

Wuxuu sii raaciyey ” in Qurba joogta ay soo diri jireen lacago badan oo gaaraya $1.5bn (£1.2bn), lacagahaasi hadda ma yimaadaan sababtoo ah qurbo joog badan ayaa shaqo la’aani ku dhacday. ‘ Waxaan ka baqayaa in Soomaali badani gaajo u dhintaan.

Ugu danbayntii, waa sharci daro, waa xaaraan, waa mid keeni karta inay Soomaali kala tagto, marka lacagtii Caalamka ugu deeqay bulshada Soomaaliyeed si loogulla dagaalamo xanuunka Corona-virus la siyaasadeeyo oo Shuruud Farmaajo iyo inta ku dhow ku xiraan bulshada ku nool Jubbaland iyo Puntland, shuruudaas oo ah waxaanu doono ayaan dalka ka samaynaynaa ee noo sacab tuma.

ALLSANAAG.COM news@allsanag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*