29th March 2024  admin  Category :

Banaan baxyo looga soo horjeedo dawladda oo saaka ka socda Muqdisho

xaa saaka banaan bax rabshado wata ka bilowday qeybo ka mid ah degmooyinka Shingaani iyo Boondheere, kaasoo daba socda banaan bixii xalay ka dhacay agagaarka Isgoyska Jubba, kaddib markii askari ka tirsan Ciidanka Booliska uu wiil iyo gabar ku dilay degmada Boondheere.

Banaan baxayaasha ayaa saaka mar kale gubaya taayaro, waxaana ay xirteen laga bilaabo isgoyska Jubba illaa Taalada Daljirka Dahsoon, sidoo kale banaan baxayaasha ayaa iyagoo careysan waxay ku qeylinayeen halku dhigyo ka dhan ah Ciidanka dowladda.

Banaan baxan ayaa waxaa hormuud u ah dhalinyarada xaafadaha, kuwaasoo aad uga careysan dilkii wiilkii dhalinyarada ahaa iyo gabar umul aheyd oo deganaa agagaarka Wasaaradda Boostada.

Labada qof ee la dilay ayaa lagu kala magacaabayay Xasan Cali Caddaawe oo 24 jir ah iyo Madiina C/llaahi Cabdi oo 17 jir aheyd.

Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. Xijaar ayaa xalay sheegay in la xiray Askarigii dilka geystay ee ka tirsanaa Saldhigga Booliska degmada Boondheere.

Bandowgii 7-da Fiidnimo ee xalay ka dhaqan galay magaalada Muqdisho ayaa durba dhaliyay in dad loo dilo, gaar ahaan in askari Boolis ah oo labo qof oo gurigooda jooga inuu si ula kac ah u toogtay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*