18th April 2024  admin  Category :

Madaxweyne  Gaas ayaa dowladda federaalka ku eedeeyay inay faragelin ku hayso Dowlad Goboleedyada si ay u burburiso nidaamka federaalka ee ay Soomaalidu ku hershiisay

Prof Gaas ayaa xusay faragelinta ay dowladda federaalka ku sameysay dawlada Goboleedayada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo qorshaha guracan ee ay ka wadaan Jubaland

Dhanaka kale Madaxweynaha ayaa ka hadlay hadalhayn ku saabsan madaxtinimada Puntland ee Dr Cali Ciise Cabdi oo horay ugu hawlanaa kala quybinta Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa yiri “Cali Ciise waa nin u dhashay Punland laakiin ma qabo inuu aaminsan yahay jiritaanka Puntland. Waa nin aan weligiis ka shaqeynin midnimada iyo horumarka Puntland”

Madaxweyne Prof Gaas ayaa sidoo kale ka hadlay ruqsado ay dhowaan dowladda federaalku siisay shirkado Shiinees ah si ay uga kalluumestaan xeebaha Soomaaliya, isagoo sheegay inaysan waxba kala socon ayna ka shaqaynayn Puntland.

Madaxweyne Gaas oo ruqsahada dawladda federaalka ka hadlaya ayaa yiri “Annaga waxba kalama soconno arrintaas, waa in lagu heshiiyaa sida loo qaybsanayo khayraadka dalka, xeebaheena, Dowlad nooma ilaaliso ee annaga ayaa ilaashana, shati Xamar laga soo saarayna Puntland kama shaqeynayo,”

Dhagayso waraysiga uu madaxweynaha Prof Gaas siiyay gollaha 88

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*