27th July 2024  admin  Category :

Sanad ka hor way Dhaawaceen. shalayna waa dileen  waxaana loo adeegsaday waa dadkii Dad ugu xigay.

Sawirka sare waa Allah ha u naxariistee waa taliye ku xigeenkii ciidanka Booliiska Puntland Jaamac Saxardiid  iyo Sarkaalkii shalay la dilay. labadba gacan ka xaqdaran ba dishey

Allah ha u naxariistee Axmed Aadan Jaamac Looyaan oo lagu magcaabi jiray Soolo, wuxuu ka mid ahaa Ciidamada Puntland kuwooda aadka uga soo horjeeda in Alshabaabka ku dhuumaalaystaan buuraha Calmadow ee uu ka soo jeeday.

Sida la sheegay labo sano ka hor ayuu degaanka Macagta ee buuraha Cal madow  ku tegay xog ururin  qarsoodi ah A covert operation.

Intaa ka dib ayaa sanadkii hore isaga oo jooga magaaxi ku taal Boosaaso laysku dayey in la dilo. Xabado ayaa ku dhacday waana ka bad baaday.

Labo Cisho ka hor ayaa sida ilo lagu kalsoon yahay noo sheegeen, wuxuu soo qaaday Qalin iyo warqad, wuxuuna ku qoray hadduu dhinto inay dileen labo nin oo magacyadooda sheegay.

Dhowr saac ka dib markii uu warqadda qoray  ayaa  la dilay isaga iyo askari kale

Laamaha amniga magaalada Boosaaso, ayaa gacanta ku soo dhigay labadii nin oo ka soo jeeda Macagta, Calmadow.

Maansada: Baroor-diiq.

Goobaha rijaal libin dagaal uu ku kala riixdo.

Ragii aan waqood looga rayn baana dhalay riiqe.

Rajiimkii gumaystuhu markuu reer walbaba raafay.

Rucbi maalintuu qayrkayagu baqe raxlaynaayey.

Ubadii cismaan uu ku raray Raacdadii Britain.

Rukun weeye taariikhda uu geliyey Ruux ogiye.

Rechard Koffil baa noo yiqiin reera laga Go’aye.

Daaragaraac rafaadkii qabsaday reerkii nagu duulay.

Waa raatib ay odayadii dhaxal u reebaane.

Gaarhayuhu Rabiicuu dhaciyo raafka nala maagay.

Hantideena nimankii ruqsaday nagama ay rayne.

Waa tey raqdoodii warnayd raarta macageede.

Buuga world record loo baxshee reeba sooyaalka.

Black Ruushan baa noogu qoran Page lasoo rogo’e.

Waxse uu ra’yigu diidayoo ii run noqon weydey.

Ragayagan ragii hore dhaloon raacin faracooda.

Anagoo Rohingia sidii rabadinkii joogna.

Oo aan ka raadgadan Tu’ hore raacdana u qaybin.

Labadaa riddoba reerkayaga maysku wada Raacday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*