26th July 2024  admin  Category :

Wararka ka imaanaya deegaanka Basra ee u dhexeysa degmooyinka Afgooye iyo Balcad ayaa sheegaya in ugu yaraan 19 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab lagu dilay kadib dagaal qaraar oo saaka ka dhacay deegaankaas.

Sida ay shaacisay warbaahinta dowladda, dagaalka lagu dilay maleeshiyada Al-shabaab ayaa dib uga qarxay tuulada Muryaale, halkaas oo maalmihii ugu dambeeyay ay maleeshiyada Al-shabaab isku aruursanayeen, sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdikaamil Shukri Macalin.

Ciidamada dowladda ayaa toddobaayadii ugu dambeeyay howgallo amni ka sameynayay deegaankan oo saldhig u ahaa maxkamadaha maleeshiyada Al-shabaab.

Deegaankan ayaa ah halkii Jimcihii hore lagu dilay Taliyihii Ciidamada Booliska Gobolka Benaadir Farxaan Qaroole.

Howlgallada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya ayaa looga xoreeyay deegaanno tobannaan ah tan iyo markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu iclaamiyay dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-shabaab horraantii bishii hore ee September.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*