26th July 2024  admin  Category :

RW Xamse AYAA shir u qabtay Wasiirada Ciyaaraha maamul goboleedyada mar madaxweynuhu shirinayey golihii wasiirada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirrada Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee heer Federaal iyo kuwa Dowlad Gobolleedyada.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Wasiirrada ka dhageystay warbixin ku saabsan kulamo ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho maalmihii la soo dhaafay, kuwaasi oo ku saabsanaa wadashaqeynta Wasaaradda Dhallinyarada iyo kuwa Dowlad gobolleedyada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boggaadiyay dadaalka ay wadaan wasiirrada – isaga oo tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in la xoojiyo kacdoonka shacabka iyo dagaalka ay dowladdu kula jirto xoogta argagixisada ee al-Shabaab. Waxa uu sheegay in gaar ahaan dhallinyarada looga fadhiyo in kaalin firfircoon ay ka qataan dib u xoreynta iyo sugidda amniga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*