
28th May 2022 admin Category :
13 Sano oo Isaaq Ku Fidaayay Deegaanka Dhulbahante Maxaa Qarsoona Oo Hada Soo Baxay,
Saddex iyo toban sano oo Somaliland ku fidaysay degaamada Dhulbahante waxa ay dabbaqayeen heshiis hoosaadyadii ay isku dhaarsadeen burburkii ka dib. Heshiis hoosaadyadaas oo nuxurkooda guud yahay gumaynta iyo garbaduubka dadka ku nool mandiqadan.
Sida siyaaasaddooda ka muuqata maanta markii ay gacanta ku wada dhigeen inta badan degaanka beesha, waxa ay xoog, xeelad iyo dhaqaale badan ku bixinayaan sidii ay u qabsan lahaayeen wacyiga jiilka soo koraya.
U fiirso adduunweynaha siyaasadda, loollanka ugu badan wuxu saameeyaa jiilasha kala danbeeya ee bulsho waliba leedahay. Jiilku waa qaabeeyaha masiirka ummadda, waana cidda la rabo in ay bannayso caqabad kasta oo ka hor iman karta jiritaankooda.
18-kii May 2020 waxa baraha bulshada isqabsaday dhallinyaradii degaannada SSC oo calanka Somaliland u heesaya, isku sawiraya ama ku dabbaaldegaya! Soow ma aragtid, jiilkaas waxa lagu shubay, software ah Somalilander baad tahay!
Dhan kale ka eeg, ilmaha maanta laba iyo toban jirka ah ee ku nool Laascaanood, gurigooda waxa cashuurta ka qaadda SL, imtixaanaadka waxa ka qaadda SL, haddii hay’ad dawli ah dani ka gasho waxa sudhan calamadooda iyo astaamahooda. Dharaar walba waxa wararka u tebin doona Radio Hargeysa, buugta waxbarashada waxa ugu qoran in LIXLE yahay mujaahid usoo dhintay qaranimadiisa! Sidee uga dhaadhicin karaysaa in ninkani dadkan aanu waxba la lahayn?!
Si taas looga hortago loona ogeysiiyo jiilka soo koraya iyo caalamkaba in aynaan SL waxba la lahayn, waxa waajib ah in la bilaabo kacdoon lagu dhisayo wacyiga jiilka, laguna faallaynayo arrimaha cakiran ee degaanka.
W/Q Muuse M. Cartan
DUF KU BEXE DAWDAR DHULBAHANTIYO – DURUFLE GADABIIRSEY
WARSANGELIGA AAN DAMAQAN – DAA’IN ABDIKIIBA
IYAGOO KA DALWEEYN – DABACAYUUNKAN IIDDOORA
DAD AHAANNA KA BADAN – DUNIDAN GUUDKEEDA
FUTA AWAL HA KUU DAWLADEYSO – SOOW DAMIIN NIMO MAAHAN
DAASADA MARAN BAY SITAAN – AY KU DAWARSADAANE
DOOLLARKII LA HELO – IYO DEEQDA RAASHIIN
XITAA DAAWADA DHACDEY BEY- DOC UGA LEEXSHAANE
IIDDOOR WUXUU ISKU DILAHAYAA -IYAGA DARAADOODE
IIDDOOR WAA KUSOO DURKAA – DEGALLADOODIYE
WAXAY DOONAYAAN MEESHABA – INEY DEGAANE
AXMED ISMAACIIL WAW DABRAN YAHAY – WAYNA KU DIGTAANE
KABA SHAAGLE DAMIIR LAAWE-BADHI WALE DUQOOBEY
DAY DAY MEEL WALBA – DEYRO LAGA YEELAY
IIDDOORKAN DUDEY DABAFADHI – DANI MA GEEYSIISEY
ISAGIYO GALLEYRKII DACIIFKA AHAA – DIBADAHA MA MEERSIISEY
WAA DUNI INA WARAABE U HANJABI – NIMAN DARAAWIISHA
WAA DUNI RUUFIYAANKII SHALEY – MAANTA YAHAY DUUBE
WAA DUNI KUWII UUNSAN JIREY – DAB QAADKII TUUREENE
WAA DUNI IIDOOR BAA DALKA LEH – LAGUBA DOODAAYO