27th April 2024  admin  Category :

Duqa Muqsho oo lagu wareejiyey deeqdii Midowga Yurub ee Gaadiidka Dab damissska

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eg.Yarisow) ayaa Midowga Yurub kala wareegay Gaadiid loogu tala galaya Dabdamiska

Guddoomiyaha ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda. Isagoo sheegay in Gaadiidkan ay kala wareegeen Midowga Yurub ka howlgeli doono degmooyinka Hodan iyo Wadajir oo laga hirgeliyey xarumaha gurmadka deg-degga ah.

Eng. Yarisow ayaa xusay in gaadiidkani ay ka kooban yihiin booyaha biyaha qaada iyo gaadiidka dab-damiska oo ah mid casri ah, waxuna tilmaamay in maamulkiisu uu mudnaan dhow siinayo sidii adeegyada dabdamisku u noqon lahaayeen kuwa dhameystiran oo dabooli kara baahida shacabka.

“Waxaan uga mahadcelinayaa Midowga Yurub oo maanta nagu wareejiyey gaadiid dabdamis oo agabkiisu u dhameystiran yahay, tanoo qeyb ka ah qorshaheena ku addan in degmooyinka Caasimaddu ay helaan adeegyada gurmadka, laguna bilaabayo labada degmo ee Hodan iyo Wadir oo xarumo laga furay”.

Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Garrido Ruiz Fulgencio ayaa sheegay in mar walba diyaar u yihiin taageerada shacabka Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*