26th April 2024  admin  Category :

Ku: Dadweynaha Reer Maakhir  Gudo iyo Dibedba.
Ujeedo Bayaan.
Marka hore ASCW,
Masiirka Ummadda Somaaliyeed Waxuu ku dhisan yahay:

1. Midnimada iyo Wada jirka dhismaha Qaranka somaaliyeed
2. Ilaalinta Helitaanka Nabadgeliyada Bulshada Qaranka Somaaliyeed.
3. Helitaanka Adeegyada Arrimaha Aasaasigga ah ee Bulshada Qaranka somaaliyeed.

SNM -Somaaliland waxay hormood ka tahay burburinta jiritaanka Qaranka Somaaliyeed.

SNM – Somaaliland waxay gabaad iyo hooy u tahay Argagixisada , Shabaabka, Daacish, iyo Al-qaaciida oo nabadgeliyo xumida iyo xasalooni darada ka wada Somaaliya.

SNM -Somaaliland waxay maalgelisaa dagaalada Qabaailada Sool, Sh.hoose,iyo Hiiraan.

SNM -Somaaliland waxay garwadeen iyo maalgelin ka wada dagaalka Argiagixisada Shabaabku ka wadaan Gal-Gala Buurta Calmadow.

SNM – Somaaliland waxay Maalgeliniyo garwadeen ka tahay dagaalka Argagixsada ee Nawaaxiga Qandala

Waxaan halkan idiinku soo warbixin kooban oo la xiriirta cida lagu xasuuqay dagaalka Sokeeye ee ka socda Dalka somaaliya:

1. Guud ahaan dagaalka sokeeye min 1988 ilaa hada oo ah 2017 waxaa dagaalku ku wajahanyahay Qowmiyada Daaroodka, waxaana hormood ka ah” SNM -Somaaliland ee Beesha Isaaq” oo ay ku abuurantahay cunsuriyada qabiil nacaybka Daarood. Dagaalkaas waxay SNM-tu ku beegsatay oo ku leesay dad shacab ah ee Warsangeli iyo Dhulbahante ee degaamada Miyiga Sanaag iyo Sool.

Gobolka Sanaag keliya waxay SNM- Maleesiyaadka Isaaqo ka geysteen xasuuq dad dil ah in ka badan 49 goobood, sida: Damala Xagare, Carmaale, Biya-gudood, Yubi, Jiidale, Masagan, Ardaa, Dooxa -dheer, Dooxada -geelweyta,Soolka Tugaag,Xeela, min Laasasurad degaanka Gahayle ee Buurta casha ilaa Mirishi,Fiqi-Fuliyi, Dooxada cakaara, xadeedka qol, Bidcel iyo xaabooyin, Xingalool, Sibaaye, Ceelbuh, Booda-cade, Dhahar, Xasuuqii Af-Uruur oo ah midkii ugu danbayey June 8/ 2017 SNM-ta Isaaqo oo ay ku dileen in ka badan 100 qof oo shacab ah.
Shacabka Warsangeli waxuu si wada jir ah diyaar u yahay in uu difaacado Degaankiisa Gobolka Sanaag, ee sidii horeyba ay SNM-ta uga difaaci jireen.

Shacabka Warsangeli waxuu u taagan yahay ilaalinta Midnimada Qaranka Somaaliyeed.
Shacabka Warsangeli waxuu ka midyahay, hormoodna ka yahay Dawlad Goboleedka Puntland.
Shacabka Warsageli Waxuu ugu Baaqaya ummada Sommaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan Cadowga Somaaliya oo ah SNM-ta Sommaliland.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*