26th April 2024  admin  Category :

Gaari qiimihiisu yahay 88,000 ayaa Kafan (coffin)  looga dhigay markII xabaasha la geliyey

Nin maalqabeen ah oo ka soo jeeda Dalka Nigeria ayaa markii uu aabihiis dhintay wuxuu Kafan  uga dhigay gaari cusub oo ka mid ah kuwa raaxada ee loo yaqaan BMW si u oofiyo balan qaad uu horay uga sameeyey  Aabihiis.

Baraha Bulshada ay ku kulmaan  ayaa la soo dhigay koox rag ah oo qof dhintay xabaal dhigaya , kaas oo ku jiray  gaariga raaxada ee BMW oo qiimihiisu yahay 88,000- dollar tuulo lagu magcaabo Ihiala.

Qof, magaciisa ku sheegay oo qura Azubuike, ayaa aabihiis u balan qaaday inuu gaari u gadayo laakiin intaan gaariga loo gadin  ayuu  aabihiis dhintay. Intaa ka dib wuxuu go’aansaday inuu aabihiis Kafan uga dhigo gaarigan qaaliga oo uu xabaasha la galo.

Sidan oo kale sanadkii 2015 nin billionaire ah oo dalkan Nigeria  ka soo jeeda gobolkiisa Enugu, ayaa hooyadiis oo  dhimatay isaguna Kafan uga dhigay gaariga qaaliga ah ee Hummer.

Dadka Tuulooyinkaas nimankan kibray ku nool yihiin   ayaa qaarkood waxay yiraahdeen ” Waxyaabaha noocan oo kale ah ayaa dadka madow ka dhigaya kuwo gaajoonaya oo faqri ah’, qaar kalena waxay yiraahdeen waa Fatooshnimo iyo isla weynaan. Dad ayaa hada leh markii xabaasha laga dareeay ayuu gaarigiisii la soo baxay

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*