16th April 2024  admin  Category :

Ciise Xawar sharaftaadu waxay ku jirtaa inaad iska casisho xilka aad u hayso SNM .

Dhowr sano ka hor ayaan  xiriir  waxaan  la sameeyey Allah ha u naxariistee Cawad Casharo, aniga oo doonayey inuu fariin iga gaarsiiyo ma’suul xil ka hayey Puntland, oo aan rumaysnaa inuu adeer Casharo taladiisa dhegaysanayo ama qaadnayo

Fariinta aan doonayey inaan wasiirka gaarsiiyo  ayaa waxay ahayd ” adeer Wasiir Hebel Xilka ha iska casilo?” . Adeer maxaa dhacay oo uu xilka isaga casilayaa . Waxaan ugu jawaabay  “adeer wasaaraddiisii, wasiir ku xigeeno,  Afar agaasime ayaa laga hoos magcaabay, sidoo kale waxa wasaaradaas  loo magcaabay Wasiirul dowle. Wasaaradiisii maanta agaasime ayaa awoodii ugu badanyd gacanta ugu jirtaa.  Aniga oo intaa u  sii raaciyey waxa fiicnaan lahayd intaan xilka laga qaadin  inuu Badhan ama Dhahar tago oo uu  halkaa kaga dhawaaqo inuu   iska casilay xilkii uu maalmulkaas u hayey. Bulshadana u sheego in wasaaraddii  ay ku lahaayeen  maamulka lagu soo wada  qamaamay. Fariintii Wasiirkii way gaartay, waana ka dhego adaygay. Maalmo ka dibna shaqadii wasiirnimada ayaa  laga eryey.

Maanta Ciise Hawar, Waa aqoonyahan dhalinyaro ah, wuxuu ka soo jeeda qoys  magac leh, waa nin af gaaban oo intuu xilka hayey aan hadal ka dhicin, waa nin leh mustaqbal siyaasdaeed, sidaas awgeed waxaan maanta kula talin lahayn in xilka uu u hayo SNM iska casilo.

Sababta uu isu casilayo Ciise Xawar, isaguna xogteeda hayaa    hadaan laga qarsan ayaa waxay tahay  bilaha  soo socda waxa dhici doona dagaal u dhaxayn doona  Harti iyo Isaaq. Haddii dagaalkasi  dhacana  beesha Isaaq uu xilka u hayaa kuguma sii aamni doonaan wasiirkooda  dagaalka , waxayna u raadin doonaan marmarsiiyo ay xilka kaaga qaadaan   iyaga oo cay ugu sii dari doona, Waa haddii uu  nasiib leeyhay oo ayna ku sumayn cunto quraac ah oo ay  siiyeen

Ugu danbayntii sababta kale oo uu Ciise Xawar  xilka aad u hayso beesha  Isaaq  isaga casilayso ayaa waxay tahay,   Haddii dagaalkaa daan daansiga ah ee beesha Isaaq duulaanka ku tahay gobolada Sanaag iyo Sool uu dhaco,  sida dhaqanka  u ahayd maleeshiyaadka SNM waxay ku xadgudbi doonaan  xaquul insaanka oo   waxay bilaabi doonaan inaay kufsadaan gabdhaha yar yar ee  ariga la jooga ama qof safar ah o ay dilaan oo ay  maydkiisana soo bandhigaan, iyagoo ku faanaya.

Taasina mustqbalkaagii wanaagsanaa iyo sharaftadii ayeey wax u dhimi doontaa  haddii aad  ugu sii magcaaban tahay wasiirkooda dagaalka ee beelaha Isaaq

Allsanaag.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*