26th July 2024  admin  Category :

Xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa maanta aad u kacsan kadib iska hor imaad dhexmaray ciidanka Soomaaliland iyo dad shacab ah oo ay ku dhaawacmeen labo kamid ah haweenka ku ganacsada magaalada

Iska hor-imaadkaan ayaa waxa uu ka dhashay kacdoon ay sameeyeen dad shacab ah oo ka carooday dhaawac ciidanku ay gaarsiiyeen haweeney ganacsato ah oo ku sugnayd suuqa weyn ee magaalada.

Kacdoonka shacabka ayaa waxa uu sababay dhaawaca askarta iyo inay ciidanka ka qaadaan 2 qori oo nooca fudud ah, sida uu goor dhoweyd noo xaqiijiyey goob jeege ku sugan magaalada Laascaanood.

DAAWO

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*