26th April 2024  admin  Category :

Beesha Absame oo iyaguna  ku socda khaladkii  beesha Harti looga qabsaday Laascaanood, Sool iyo Sanaagna ay ku noqdeen dhulka lagu muransan yahay.

18 sano ka hor, shir ay golaha  wasaaradda dawladda  Puntland ay ku  lahayeen Garowe ayaa Allah ha u naxariistee wasiir ka mid ahaa   golaha wasiirada oo ka soo jeeday beesha Maakhir  uu soo jeediyey sida qura oo loo ilaalin karo   midnimada Soomaaliya iyada oo aan  xabad lagu  ridin SNM.

Wasiirkan ayaa golaha wasiirada u soo bandhigay labo arimood:

1- In wad hadal kasta oo beesha Isaaq iyo Puntland wada gelayaan loo diraa siyaasiyiin ka soo jeeda Sanaag iyo Sool. Sababtoo ah iyagaa yaqaan taariikhdii hore oo ay wada degaan

2- In xoolaha ka imanaya Somali galbeed ee soo mara gobolka Cayn oo ay  markaa Puntland  gacanta ku hayso, haddii ay u socdaan Berbera  in Canshuurta lagu badiyo, inta ay ka soo laabanayaan fikirka guracan ee goosashada. Laakiinse haddii ay u socdaan Boosaaso iyo Puntland in canshuurta laga dhimo.

Madaxdii Puntland ee markaas Puntland xukumaysay  labadii fikradood  midna ma qaadan . Maamulka Puntland,  siyaasigii ugu horeeyey ee maamulka  u direen Hargaysa wuxuu ahaa Allah ha u naxaeiistee siyaasi dhintay oo ka soo jeeday beesha Majeeteen. Kaantaroolkii la dhigi lahaaa   Buuhoodle oo lagu cunaqabayaun lahaa  SNM lama dhigin. Taasna  waxa bedelay in SNM Laascaabood qabsadaan iyaga oo jileec ka helay ergaygii loo diray.

Maanta beesha Kablalax  Daaarood ee Soomaali galbeed, laba a midkood  ayaa u taal inay Garacad deked ka dhigtaan oo xoolahooda dekeddaa laga dhoofiyo iyaga oo soo dhex maraya  degaanada Culimada  Tanade Daarood  iyo inay maalgeliyaan nimanka hoos ka hadlaya oo isir nacaybka dilooday

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*