8th May 2024  admin  Category :

Muqdisho Hawiyaa u adkaaday in Xildhibaanada Muqdisho cid kale nala qaybsato waa Ilhaano.

Ugaas Maxamuud Cali oo ah Ugaaska Muddulood ayaa si kulul uga hadlay wararka la xiriira in Gobolka Banaadir uu matalaad ku yeelanayayo Aqalka sare iyo hannaanka la rabo in lagu bixiyo.

Ugaaska ayaa ku tilmaamay arrin ihaano ah in nidaamka beelaha ee 4.5 lagu bixiyo kuraasta Todobada ah ee loo qoondeeyay in gobolka laga siiyo Aqalka sare, isagoo carabka ku adkeeyay in dadka uu matalo aysan arrintaasi u cuntameynin.

”Waxaan leeyahay wararka sheegaya in 7xubnood laga siiyey ama laga siin doono Aqalka Sare Gobolka Banaadir kadibna loo qeybsan doono 4.5, arrintaas waa dulmi, waa ihaano loo geysanayo 3-da Milyan ee ku nool ee Gobolka Banaadir oo aan matalayo codkoodana ku hadlayo ma u hadlayo muxaafad, mucaarad ama qabiil” ayuu yiri Ugaaska oo la hadlay Warbaahinta Dalsan TV.

Ugaas Maxamuud Cali ayaa madaxda sare ee dalka xasuusiyay sida looga doonayo iney dalka gaarsiiyaan doorasho waqtigeeda ku dhacdo, xili muddo xileedkooda waqti kooban uu ka harsan yahay, isagoo madaxda sare kula taliyay iney howlohooda kale ku mashquulaan oo arrintan ay tahay mid aan iyaga u oolin.

”Arintaas ma aqbaleyno dowladda waxaan leennahay howlo kale ayaa idiin yaalla howlihiinna kale ku mashquula, waqti koobanaa idiin haray doorashada iyo in waqtigeeda lagu qabtana waa idiin taallaa”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*