26th April 2024  admin  Category :

Caawa waa habeen dheesha iyo dhaanska (dance) ee 18 May 

Hoos ka Akhrsi sheeko dhex martay laba nin oo ka soo wada jeeda maamulka SNM oo in mudo ahba habeenka 18 may tumanayey oo xafladaynayey
Mooge: Waryaa Miicaad habeenkii aynu dhididka daadin jirnay ee habeenada kale ee sanadka   inooga duwanaa  waa  ee adigu xagee tagaysaa oo sanadkan la sheegay inay ka   shidan tahay  oo la   laysku arki doonaa.
Miicaad: War Moogoow bal inaad waalan tahay, ma xafaladdii  aqoonsiga loogu raadinayey Somaliland iyo beesheena ayaad ku sheegtay mid  lagu niikiyo oo dhididka lagu daadiyo Liilalawada Heeahana  lagu ciyaaro.
Mooge: Miicaadoow ma waalni, xafladaaynta aynu diinta ka dhiganay ee 18 May maalintaynu bilownay waa garanaysaa  labaatan jiro ayeeynu ahayn, maantana kontonkii ayeeynu kor u dhaaf. caruurtii  dhalatay 1991, oo ahayd  maalintii aynu xafladaynta   iyo qoob ku ciyaarkan bilownay 18 may bilownay , waa kuwa had soo buux dhaafiya habeenkan18 may meelaha lagu qabanayo oo dhan , ee ma waxaynu sugnaa inta  kuwii ay sii dhalaaana ay dhaqan xumo iyo fasahaad  inaga dhaxli lahaayen,  kolay aqoonsi ma soo socdee.
Miicaad: War heedhe yaa ku yiri aqoonsi ma helayso Somalilansd
Mooge: Miicadoow aan su’aasha adiga kugu soo celiyee weligaa ma argatay dad  Mujaahidiin sheeganaya oo dheel iyo dhaans (Dance) aqoonsi ku raadinaya oo an ka ahayn beesheena Isaaq .
Miicaad: Mooge waad ogtahay in Muqdisho iyo Cadan ay sanadkan qasan yihiin markan fursad weyn ayeenu haysnaa oo reer galbeedka inagu aqoonsan doonaan, waa haddi sanadkan la soo wada baxo xafladda 18 May oo la soo wada buux dhaafiyo oo aan loo kala harin
Mooge: Dhiiga Muqdisho iyo Cadan ku daadnaya sidee aqoonsiga inoogu soo dedejinayaa.
Miicaad: Dee inagu waa ka duwanahay oo waxaynu haysnaa Dimoqraadiyad, doorashaan horay u qabsanay oo 99% bulshadu waxay u codeeyeen inaynu dal xor ah nahay
Mooge: Waxaad ka sheekaynayso waxba kama jiraan, waa sheekadii lagu qoray Murqaanka. Reer galbeedka aad sheegaysanaa waa kaaga xog badan yihiin dhulka aad sheegayso iyo beelaha dega iyo sida ay u degan yihiin. Waana riwaayad la  mid ah diyaarada mac malka ah oo aynu ku daawano Hargaysa. Maalin ayaa  iman doonto aad baqdin awgeed aad u  xafladdan  waydo, waa maalinta shacabka aan beesheena ahaydn ay iska wareejiyaan  horgalayaasha aad maanta u adeegsato inaad ku dulaysato

Miicaad: Isaaq waa tashaday, oo waxaan ku tashanay inaan xafladaynu 18 may,  cid diidan iyo cid ogolba. Jiilba jiilka ka danbeeyana ayuu  u sii gudbinaynaa, Faqash danbena wax isku darsan mayno.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*