1st May 2024  admin  Category :

Muqdisho ayaa dhawaanahan waxaa lagu soo kordhiyey boorar ay ku qoranyihiin Ingiriis kuwaas oo dad badan aysan fahmin waxa ku qoran iyo waxa loogu tallagalay. Hadaba, askari ka mid ah askarta taraafikada iyo nin gaari watay ayaa waxaa dhexmaray sheekadan:

Dareewalka Gaariga: Aryaa xaad igu is taajiday?

Ciidanka Taraafikada: Ar ka soo deg gaari niiclayahoow;

Dareewalka Gaariga: Xaan halleeyay aad ii soo dajee?

Ciidanka Taraafikada: gaariga ayaad ku waday si xooli ah. Miyaadan arag boorarka lagu dhajiyey dariiqyada?

Dareewalka Gaariga: Aryaa boorarka aad i tusineedo billicda caasimadeey qeeyb ka yihiin, xaad kallood ii sheegeeydaa?

Ciidanka Taraafikada: Billicna ma ahee bidaari ha ku gashee miyaadan aqrin waxa ku qoran boorarka? Boorarka waxaa loogu tallagalay ineey kuu sheegaan meesha iskuulka ah iyo meesha u baahan inaad yareeyso socodka gaariga;

Dareewalka Gaariga: Ee boorarkaan kuma qorna luqadeena afka hooyo ee Soomaaliga;

Ciidanka Taraafikada: War dadku horuu u socdaa waa maxay af Soomaaliga iyo waxaad ku wareegeeyso, Ingiriis, Faransiis, Amxaarig iyo Luqadaha kalle la jaan qaad;

Dareewalka Gaariga: Fikirkaan yaa noo keenay?

Ciidanka Taraafikada: Fakirkaan waxaa noo keenay qurba joogta halleeysan ee hilmaamay dhaqankooda;

Dareewalka Gaariga: Qurba joog aanba nacay qarax haku dhacee;

Shacabka Muqdisho ayaa kalla garan waayey boorarka laga taagay wadooyinka. Qaar badan oo shacabka ka mid ah waxeey u heeystaan in loogu talagalay bilicda Muqdisho, meesha qaarna ay u heeystaan calaamad sheegeeysa in wadada dhismo laga sameen doono. Waxaana dhab ah in qurba joogta ay qeeyb ka yihiin burburka dalka iyo faafinta fikradaha ajnabiga.

Allsanaag.com

Maqaal hor oo aan ka qornay Boodhadhkan afka qalaad ku qoran

https://allsanaag.com/qurba-joogta-qabiilka-shaqada-lagu-siiyo/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*