27th April 2024  admin  Category :

Sacuudi Careebiya: Dalka Sacuudiga ayaa waxa ka socda ol’ole looga soo horjeedo iibsiga badeecadaha laga keeno dalka Turkiga. Arrintan ayaa waxaa ka danbeeya kooxo dawladda taageersan,  kooxahan ayaa adeegsanaya baraha bulshada si aan loo iibsan badeecadaha Turkiga ka yimaada. Sida ay ku soo warameeyso wakaaladda wararka ee AFP, qaar ka mid ah dukaamada ayaa billaabay ineey ka qaadaan miisaska badeecadaha ka yimid Turkiga, maadaama dadka ay mamnuuceen ineey iibsadaan.

FAYEZ NURELDINE

Sidoo kalle, dadka ayaa lagu booriyey in aysan dalxiis ku tagin dalka Turkiga maadaama uu Turkiga dagaal kulla jiro dalkooda. Hadaba, Sacuudiga iyo Turkiga ayaa isku aragti ka aheen arrimaha dalalka Qadar, Siiriya iyo Liibiya. Ariinta kalle ee xiriirkooda sii xumeeysay ayaa aheed dilkii loo geeystay wariye Jamaal Khashoogi kaas oo lagu dilka dalka Turkiga.

Cadaado: Nin kufsi ka soo geeystay magaalada Gaalkacayo qeeybteeda Puntland ayaa lagu qabtay magaalada Cadaado. Booliiska degmada Cadaado ayaa sheegay in wada shaqeeyn dhexmartay iyaga iyo maamulka Puntland ay suurta gellisay in ninkaas ay gacanta ku dhigaan. Ninkan ayaa gacanta loo gellin doonaa maamulka Puntland.

Tansaaniya: Madaxweeynaha dalka Tansaaniya John Magufuli ayaa furay warshad ka shaqeeyn doonta hargaha; warshadan ayaa ku baxday lacag dhan 59 milyan oo doolar, lacagta ku baxdayna waxaa iska kaashaday dawladda Tansaaniya iyo shirkad laga leeyahay dalka Talyaaninga. Waxa uu sheegay  madaxweeynaha dalkaas in dadka xoolo dhaqatada ah ay tuuri jireeyn awal hargaha maadaama aysan jirin suuq ay u iib geeystaan.

Dadka Tansaaniya ayaa u baahan 54 milyna oo kabood sanadkiiba, waxa uuna ku daray in dadka Tansaaniya ay iska joojin doonaan ineey xirtaan kabbo danbe oo dibadda looga soo dhoofiyey. Hadaba, warshad furitaankeeda ayuu sheegay in ay tahay mid taariikhi ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*