26th April 2024  admin  Category :

Waa maxay sababta beesha Warsangeli ay Kuraasta Xildhibaanada hadyadda ugu bixiyeen, haddana u doonayaan inay mid kale ku bixiyan.

Beesha Warsangeli, ayaa ah beesha qura ee Soomaaliyeed ee Kuraasta Xildhibaanada mid maamul goboleed iyo mid Federaalba ku bixiyey hadyad, haba yaraatee iyaga oo aan waxba ku bedelan ama uga soo laaban.

Beeshii labaatankii sano ee ugu danbaysay Kuraasta Xildhibaanda hadyadda ku bixinaysey, ayaa hadda qaar ka mid ah beeshaas waxay lacag ku bixinayaan inay mar kale hadyad ku bixiyaan kursiga qura ee beeshaasi ku leedahay Koonfurta Soomaaliya.

Maalintii Beelaha Harti isu yimaadeen oo ay ku heshiiyeen inay maamul wada samaystaan, oo ay qaybsadeen xildhibaanadoodii . Maalintaas qaar ka mid ah Beesha Warsangeli iyaga oo lagu heshiin oo aan laga warqabin ayeey waxay hadyad ku bixiyeen sadex Kursi xildhibaan. ILaa maanta Xildhibaanada Puntland ee beeshaasi ku leedahay baarlamaanka Puntland waa maqan yihiin

Shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee dalka Kenya lagu qabtay, Allah ha u naxariistee madaxweynihii hore Cabdulaahi Yuusuf waxa uu beeshan ka codsaday inay siiyaan Labo kursi Xildhibaan si uu raali geliyo beelaha Mareexaan iyo Ogaadeen. Beeshani labo Kursi ayeey sidaa hadyad ahaan ku bixiyeen , iyaga oo haba yaraatee aan ku gor gortamin shuruudna ku xirin.

Maalintii ay Soomaali ku heshiiyeen inay aqalka sare wax ku qaybsadaan 18 gobol ee Soomaaliyaka jiray burburkii ka hor. Beeshan oo ka degta Gobolka Sanaag degmooyinka ugu badan oo si sahlan u heli lahayd Xildhibaan Aqal sare ah , waxa Xildhibaankoodii dhaafsiiyey qaar ka soo jeeda beeshan oo u hododeeyey Beesha Isaaq, sababtoo ah waxay ka qayb galeen Guddi wada Isaaq ah iyo dadkii wax dooranaya oo wada Isaaq ah inay la tartamaan, . Sidaasna waxa si sahlan ku helay Xildhibaankii Aqalka sare ee Gobolka Sanaag hadyad ahaana ku qaatay gabadh u adeer u yahay Ismaaciil Xaaji Nuur oo maanta intuu cagaf guryaha Ceerigabo geliyo leh waa nashqadaynyaa

Intaa markii laga yimaado, kuwii hadyadda u bixiyey Xildhibaanda iyo taageerayaashooda ayaa iyaga oo abaabulan waxay doonayaan inay kursigii Koonfurta Soomaaliya beeshu ku lahayd ay hadyad ku bixiyaan, iyaga oo marmarsiiyo ka dhiganaya in beesha Cawramale ee degta inta badan Jubbaland ayaa u baahan yihiin , si loo dayaco oo xildhibaanaddii ay beesha Cawramale ka heli lahaayeen Jubbalad ay u aadaan meelo kale.

Ugu danbayntii Kursiga Koonfurta ee Beesha Warsangeli , sidaay noo sheegeen ilo lagu kalsoon yahay waxay u badan tahay inay ku soo laabto Xildhibaanddii horay u haysay, hase ahaatee waxa jira canaasiir badan oo doonaya inay carqaladeeyaan oo tashuush ku furaan si ay ugu suurta gasho inay hadyad ku bixiyaan. Sidaas awgeed waxaan u sheegaynaa bulshada reer Maakhir inaan lagu khaldin waxaan jirin.

Allsanaag.com news@allsanaag.com

One thought on “Beesha Maakhir iyo hadyadda Xildhibaanada

  1. Ahmed Saeed

    Tirada Xildhibaanada Waesangheli inkasta ha ahaadeene; dad karti le oo damiir le, ha doorteen. Kwii hore karaasida Barlamaanka Federaaliga iibsaday yaan lagu celin. Waxx ay u qabteen Warsangheli oo la taaban karto majiraan?Kuwa Salaadiinta iyo Boqorada isku sheegaaya oo iibkaa sanadihii hore ka qaybgalay yaan markan waxba la waydiin. Cuqaasha Waesangheli ha soo doorteen markan.

    ,

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*