26th April 2024  admin  Category :

Maamulka SNM, maalintii uu shaqada bilaabay Ciise Xawar ilaa maanta marmarsiiyo ayeey u raadinayeen ay xilka kaga qaadaan. Sababtoo ah waxayna ogayn intaanay SNMtu  xilka  u magcaabin Ciise Xawar inuu yahay nin dalkiisa iyo dadkiisaba jecel oo aan lagu xasuuqi karin bulshada reer Maakhir

Koox iyaguba muxuqmaasaq iyo marin habaabin ku dhisani.  musuqmaasaq ay ku  sheegayaan Ciise  wax kama jiraan. Haddii Maxamed Moogr iyo Sahro Halgan ay horay ugu seegeen Mujaahidiin musuqmaasaqana waa mid murqaanku tusay.

Ciise Xawar, waa ka duwan yahay Marabbida kale ee reer Maakhir ee ku sugan Hargaysa, waa aqoonyahan dhalinyaro ah, oo ay maanta bulshada reer Maakhir u baahan yihiin haddii uu ka soo laabto khaladkii uu galay. Wuxuu leeyaay mustaqbal wanaagsan haddii ay siday tahay uu  uga faaiidaysto. Meesha ugu aboon oo ka bilaabi karaana waa isaga oo ku soo laabta Ururkiisii hore ee uu madaxda ka ahaaa,  oo ah kan maanta ugu awooda badan degaanada Maakhir.

Bulshada reer Maakhir guud ahaan  xaaladda maanta laga jiraa waxay u baaan tahay isu tanaasul iyo  in bulshada laysu soo dhoweeyo. Haddii Isaaq aqoonsigii ay kugu yeelan lahaaueen u doonten inay ka helaan Netenyaahu. Adigu waa inaad ku mashquulin  Ciise Xawar.

https://allsanaag.com/xawar-intaan-xilka-lagaa-qaadin-maad-is-casishid/?fbclid=IwAR1oMMz6glM0wwWrjxADKsvPJA8-kydGs-06ID6Gfca9vOdkmJ8sSaizq1I

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*