26th April 2024  admin  Category :

Laga soo bilaabo Kooxdii Jaamac Cali Jaamac, weerarkii Faroole  uu qaaday waqtigii   uu wasiirka  ahaa, Taliaha ciidanka Booliiska ee hadda xilka haya  gadoodkii uu sameeyey waqtigii Gaas ka qaaday xilka , wasiirka amniga ee hadda xilka haya , marki uu gadooday oo Daacish iyo Bari guntiis aaday,  wasiirka maaliyadda ee hadda xilka markuu gadooday oo Aaran jaan abuuray,  intuba sharciga ayeey horay u jebiyeen maxkamadna lama soo saarin, waxayse ku mutaysteen argagixiskii iyo cabsi gelintii bulshada reer  Puntland   in xilalkii ay hayeen mid ka sareeya loo magcaabo, hubkii umadda reer Puntland ka dhaxeeysana ay gaar u yeeshaan.

Su’aasha is waydiinta mudan ayaa waxay tahay waa maxay sababta beesha  Majeerteen qura ugu  gadoodaan Puntland ? Maxaase ka maqan oo Beelaha kale ee reer Puntland haystaan? Sharciga Puntland muxuu ka qabaa in xoog lagu qabsado xafiisyada dawladda, bulshadana la cabsi geliyo

https://youtu.be/HGvuhCccLBI

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*