26th April 2024  admin  Category :

Sagootintii Farmaajo ee dhaawacyadii loo qaadayey Turkiga, waa mid xanbaarsaneed wax badan. Dadka ku dhintay qaraxa iyo kuwa ku dhaawacmay intaba, kuma dhaceeyn dhibta ku dhacday haddii xukunka uu hayo madaxweeyne shaqadiisa qabsanaya.

Farmaajo waqtigiisii badneeyd ee uu xilka hayey waxa uu gelliyey burburinta maamulada ka jira dalka iyo kalla qeeybinta dadka si danahiisa gaarka ah uu u gaaro, taasina waa midda u sahashay argaggixisada ineey soo weeraraan shacabka waqti kasta oo ay doonaan.

Waxaan la soconaa in shirkii ka dhacay dalka Biljimka ee lagu go’aamiyey in lagu dhiso ciidan ka kooban 18,000 oo ka kalla yimaada gobolada dalka oo dhan uu Farmaajo ka weecday, taas beddelkeedana uu door biday inuu ciidan ka urursado Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Waxaa intaa dheer, ciidankii loo soo tababaray la dagaalanka argaggixisada in ay noqdeeyn kuwo loo adeegsaday danno siyaasadeed oo shaqsi ah, waxaana ka mid ah kuwii la geeyay magaalada Dhuusamareeb si xoog loogu adeegsaddo dadka ka soo horjeeda siyaasadda uu wato Farmaajo.

Si kastaba ha ahaato, Farmaajo munaasib umma aheeyn maanta in uu isku sawiro dhaawacyo loo qaadayo dalka Turkiga, balse haddii uu damiir leeyahay waxeey aheed in dadkaas uu wajigiisa ka qarsado maadaama uu ku fashilmay suggidda amnigooda.

Seddex sanno ayuu xafiiska joogay Farmaajo, mana jirto wax muuqda oo amniga uu ka qabtay. Argaggixisadu waa kuwo ka hawl galla meesha ay doonaan. Hadaba, maadaama argaggixisada ay soo jirtay muddo dhawr iyo tobban sanno ah, waxaa laga maarmaan ah in la hello madaxweeyne daacad ah oo argaggixisada shacabkii dhameeysana ku soo afjara muddo kooban. Shacabka Soomaaliyeedna waxeey u baahan yihiin in doorashada soo socota lagu soo doorto:

Madaxweeyne aan ku mashquulin burburinta maamulada ka jira dalka;

Madaxweeyne aan ku iibsan lacagtii shacabka baarlamaankii dalka;

Madaxweeyne aan ku bixin lacatii dalka dad Facebook iyo Youtube ka ammaana, beentana u faafiya;

Madaxweeyne marka siyaasadda la isku qabto xal la imaan kara;

Madaxweeyne qolka hoosta aan ka soo xiran marka ay wax qaldamaan;

Madaxweeyne hadal yaqaan ah;

Madaxweeyne aan ciidankii dalka u adeegsan danihiisa gaarka ah;

Madaxweeyne aan soo adeegsan ciidan Itoobiyaan ah si dadka kalle gacmaha loogu qabto;

Madaxweeyne go’aan qaadashado leh;

Madaxweeyne aan been badneen;

Madaxweeyne ballamaha uu dadka la gallo ka soo baxa, haddii ay wax si noqdaan dadka qanciya;

Madaxweeyne aan ku cararin marka ay wax ku yimaadaan Abiy Ahmed iyo kuwo la midka ah;

Madaxweeyne dadkii uu amnigoodii dayacay aan isku soo sawirin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*