26th April 2024  admin  Category :

Beelaha Cai saleebaan iyo Maxamuud Saeebaan ee Majeerteen oo maanta ku heshiinaya degaanada lagu muran san yahay ee Carmo

Madaxweynaha Dowlada Puntland iyo Wafdi Ballaaran oo uu Hogaaminayo ayaa goordhowayd Waxay gaareen Degmada Carmo ee Gobolka Bari.

Wafdigan Madaxweynuhu Hogaaminayay ayaa Waxa ka Mid ah Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland Mudane.Shirre Xaaji Faarax,Gudoomiyaha Gobolka Bari Yusuf Maxamed Wacays Dhedo,Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Wafdigan Madaxweynaha ayaa Afaafka Hore ee Degmada carmo Waxa kusoo dhoweeyey Maamulka Degmada Carmo iyo Qeybaha kala duwan ee Deegaanada Degmada Carmo.

Madaxweynaha Puntland Dr.C/weli Gaas iyo dagaal ooge  C/samad Maxamed Gallan ayaa Maanta Kulan ay ku wada heshiinayaan ku yeelan doona Degmada Carmo,iyagoona ka wada xaajoon doona Saami Qeybsiga beelaha Majeerteen sida ay warbahinta u sheegeen taageerayaasha dagaal ooge Galan

Hoos ka daawo gorgortanka siyaasaddu halka uu marayo Waa maleshiyaadkii Cabdulqaadir Muumin oo Qandala dhex maraya. Sawirka hoose waa isla shalay dagaal ooge Galan oo Carmo soo galay

https://youtu.be/zJbbHJRAYA8?t=45s

.

5414264065_1549708498389090_3659321761755753632_n14358964_1549707315055875_1959798302902590631_n14563372_1549707298389210_2525539846362589727_n14633043_1549707231722550_6301978635455058551_n14680616_1549707258389214_9007569038076762619_n

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*