26th March 2024  admin  Category :

Siyaasiyiinta reer Maakhir goormay Xaafadaha ka dhamaanayaan?

Maalmihii ugu danbeeysey caasimadda Soomaaliya ee  Muqdisho waxa laga dareemayey  ololihii lagu qaybsan lahaa  Xildhibaanada Aqalka sare ee Gobolada waqooyiga Somaaiya.

Madaxda Siyaasiyiinta  beesha Isaaq oo ay ka mid yihiin  Maxamed Cumar Cartan iyo wasiirka warfaafinta Soomaaliya  Maareeye, iyagu  waxay olole xoogan ugu jiraan siddii Xildhibanada Aqalka sare ee laga  soo dooranayo waqooyiga Soomaaliya ay  wada noqon lahaayeen Beelaha Dirta Waqooyi ee Isaaq, Ciise, Samaroon iyo Fiqishini oo lagu siinayo gobolka Sool

Halka Siyaasiyiintii reer Makhir ee laga sugayey inay olole xoogan  u galaan sidii ay u soo dhacsan lahaayeen kursiga aqalka sare ee ay ku leeyihiin waqooyiga Soomaaliya ,ay iyagu noqdeen kuwo ka dhamaan waayey xaafadihii iyo kala qaybinta beesha reer Maakhir ee la doonayo in la dhaco kursigooda

Siyaasiyiinta reer Maakhir Qaarkood iyaga oo saamigii Beel weynta Warsangeli ka wada dhaxaysay ay beeshoodu ka haysato  maanta dhamaan   wasiiradda heer maamul iyo heer federaal, Xildhibaanada Puntland %75 ayaa damac wuxuu ka galay kursigii ka maqnaa ee reer Darasalaam. Arintan waa arin halisteeda leh  waa arin dhantaalaysa midnimada Maakhir. Waana arin u baahan in la canbaareeyo

Siyaasiga Bulshadiisa wax tari karaa waa siyasiga og sida Bulshadiisu wax u kala leedahayy ama wax u qaybsan jirtay Beel ahaan dhinaca abtirsiyaha . Siyaasiga mudan inuu ummad hogaamiyo waa qofka dadka isku wada ee maaha mid kala qaybiya.

Ugu danbayntii Suldaanka Beesha Warsangeli Suldaan Siciid Sulaan Cabdisalaam  waa ku mahad san yahay  sda uu u garab istaagay in beesha reer Daarsalaam ay Xildhibaan yeeshaan. Hadaba Suldaan si umadda loo badbaadiyo,  oo aan  siyaasiga danaystha ah   uga faaiidaysan xaaladda adag ee lagu jiro, waa in aad  labada xildhibaan oo kalena aad  ka soo magcawdaa beelaga  Shimbiraale iyo  Rad,

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*