28th March 2024  admin  Category :

Maleeshiyaadkii Qandala qabsaday oo ka war sugaya kulanka maanta Gaas iyo Galan

Mallayshiyaad sheegtay inay katirsan yihiin  Daacishta ku sugan Puntland oo shalay la wareegay gacan ku haynta degmada Qandala ee gobolka Bari, ayaa wararku sheegayaan inay halkaas isaga baxeen.

Lama oga goobta ay u ruqaansadeen, kooxdan oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 50 ruux.

Dadka deegaanka ayaa  xaqiijiyay in xalay saq dhexe mallayshiyadan ka guureen degmada iyagoo ka qaatay astaantooda Madoow oo markii hore goobta laga taagay.

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay xukuumadda Puntland.

Maleeshiyaadkan ayaa waxa  hogaaminayey Cabdulqaadir Muumin oo ay  beel ka soo wada jeedaan dagaal oogaha kale ee gobolka Bari Cabdi Samad Galan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*