26th April 2024  admin  Category :

Majeeteenka aamnisan in markani ay  tahay   markii Beeshooda xilka qaban lahayd  iyo kuwii ku soo fashilmay Koonfurta Soomaaliya ayaa soo saaray warsaxaafadeed bilaa macno ah oo ay ku soo qoreen websityo mucaarad ku ah hoganka madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas  ee dagaalka kula jira argagixisada

1. Puntland Focus Group waxaa ay aaminsan tahay in doorashada soo socota dhacdo, wakhtiga Dastuurku qabo ee ku astaysan 8da January 2019.

2. Waxaan uga digeynaa Madaxweynaha iyo Xukuumaddisa in ayan isku dayin xili kororsi sharcidaro ah oo baalmarsan Dastuurka Puntland.

3. Xildhibaanada Dawladda Puntland xil gooni ah ayaa ka saran ilaalinta iyo ku dhaqanka Dastuurka Dawladda Puntland iyo habsami u socodka hab dhaqanka dawladnimo iyo habraaca dastuuriga ah ee doorashooyinka Puntland. Waxaan Parlamaanka Puntland ka fileynaa in ay meel mariyaan himilooyinka shacabka Puntland dhowraana Dastuurka Dawladda Puntland.

4. Isku daygan wakhti kororsigu waa mid wiiqi kara dadaalka ay dadka Puntland ugu jiraan in Gobolka Sool gacanta Puntland lagu soo celiyo, wuxuuna shaki gelinkaraa dadaalka aan kala harka lahayn ee ay wadaan dhamaan dadweynaha reer Puntland. Sidaas darteed waxaan soo jeedineynaa in aan waddanka loo horseedin khilaaf siyaasadeed oo aan loo baahnayn oo Puntland gudeheeda ka bilaaba fadqalalooyin.

5. Madaxweynaha iyo xukuumadiisa waxaan xasuusineynaa muuhimadda ay leedahay ilaalinta amniga iyo shuruucda Puntland. Dagaal ayaa lagu jiraana marna cudurdaar uma noqon karto in Dastuurka iyo shuruucda dalka la laalo amaba la baalmaro.

6. Isimadda, nabadoonadda, wax garadka iyo ururadda bulshadu waa in ay ka qayb qaatan in Xukuumadda Puntland aaney baal marin Dastuurka Puntland, oo aan Puntland loo horseedin fadqalala siyaasadeed oo gudeheeda ka bilowdo, wakhti lagu jiro difaaca dalka. Sidaas oo kale, shacabka Puntland waa in ay gacana kaga qayb qaataan difaac, gacanta kalena ku hasytaan shurrucda Puntland ku dhisan tahay.

Sawirka sare waa Deni oo isaga oo hurda wax loo yeerinayo

Xubnaha Puntland Focus Group, waa Damuljadiid, waa Maxaakiimtii, waa kuwii ugu horeeyey ee buuraha calmadow argagixisada u soo horseeday, waa tuug waxay cunaan doonaya

http://www.kismaayo24.com/wp-content/uploads/2014/11/dhiiga_cusub.jpg

Cabdi Faarax Saciid (Juxaa)
Cabdirisaaq Cabdulahi Jaamac (Janogale)
Cali Xaaji Warsame
Faarax Cali Shire
Jamiila Saciid Muuse
Xaji Maxamed Yaasin Ismaaciil
Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa)
Khalif Ciise Mudan
Maxamud Axmad Xasan (Dhagaweyne)
Saciid Cabdullahi Deni
Dr Maxamed Salaad Qoryooley

Warar dheeraad ah la xiriir;

Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa)
Af-Hayeenka Puntland Focus Group,
Email: dhollowaa2013@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*