26th April 2024  admin  Category :

Dawkladda Maraykanka iyo Dawladda Puntland oo kulmay

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Mr. Donald Yamamoto oo ay weheliyaan Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee howlgalka Africa, ayaa ka wada hadlay iskaashiga Amniga guud gaar ahaan la dagaalanka Argagixisada”.

Sida wararku sheegayaan arimaha ay kawada hadleen,waxaa ku jiray qorshaha Ciidamada PSF,waxayna warar lagu kalsoonaan karo xaqiijinayaan in xal laga gaaray,iyadoo Maraykanku sii wadi diino tababarada iyo dhaqaalaha uu siiyo Ciidankaas.

13-kii February 2020, Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika ee loo yaqaan (AFRICOM) Gen. Stephen J. Townsend ayaa booqasho aan la sii shaacin ku tegay Magaalada Boosaaso, halkaas oo uu kulan gaar ah kula qaatay Madaxweyne Deni.

Gen. Townsend iyo Madaxweyne Deni, ayaa xilligaas ka wada-hadlay Hawlgallada La-dagaallanka Argagixisada iyo Saldhiga Boosaaso, inkastoo Warbaahinta laga qariyay Arrimaha Saldhiga.

Maraykanka ayaa sida la sheegay saldhiggiisa labaad ee ugu wayn Geeska Afrika ka hirgelin doonaa duleedka caasoimadda Gobolka Bari ee Imaaraadka Puntland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*