3rd November 2024 admin Category :
Maleeshiyaadkii Farmaajo dhisay oo Isbaaro u dhigtay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, gar haan xaafadda uu ka degan yahay Muqdisho
Ciidan ku sheeg ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa NISA ayaa xirtay inta u dhexeysa Daljirka Daahsoon ilaa Isgooyska Jubba, waxaana waddooyinka ay xirteen ay muhiim u yihiin isku socodka guud ee dadweynaha.
Qaar ka mid ah Ciidanka gadoodsan ee waddada xirtay ayaa sheegay in muddo ah aysan arkin xuquuqdii ay lahaayeen, waxaana ay sheegeen in aan wax mushaaer ah la siin.