26th April 2024  admin  Category :

Dad qalatooyinka oo sheegtay mas’uuliyadda qaraxii Muqdisho

Ururka Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay war ka soo saaray qaraxii dadka badan lagu laayey ee 28-kii bishan ka dhacay isgoyska Ex koontorol Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka guud ee Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo iska soo duubay khudbad soconaysa in ka badan 20 daqiiqo ayaa sheegay in qaraxaas ay iyagu fuliyeen, isla markaana ay la beegsadeen saraakiil Turkish ah iyo wax uu u yeeray maleeshiyaad Soomaali ah.

“Maalinkii Sabtida waxaan weerar ka fulinay Isgoyska Ex koontorol Afgooye ee magaalada Muqdisho, weerarkaas kolonyadii lala beegsaday waa uu haleelay khasaare lixaad leh oo dhimasho iyo dhaawac leh waxuu ugeystay Turkidii doolaanka ku soo qaaday dalka iyo maleeshiyaadkii ilaalada u aheyd” ayuu yiri Afhayeenka Maleeshiyada Cali Dheere.

Sidoo kale waxa uu qiray in dad shacabka ay ku le’deen halkaas, isgoo ku an dacooday inay aad uga xunyihiin, isla markaana uu gubayo dhibka ay u geysteen umadda masaakiinta ah ee aan waxba galabsan, taas oo uu sheegay inay hadda ku khasabtay inay u tacsiyeeyaan shacabkii ku dhintay, kuwii ku dhaawacmay iyo kuwii ku hanta beelaba.

Ad by Valueimpression

waxa uu sheegay in warbaahinta iyo dowladuba ay ku owr kacsanayaan dhibkii gaaray umadaas oo aysan uga naxeyn sidooda oo kale, isagoo sheegay in hadii ay ka damqanayaan dhibka loo geysto shacabka ay ka dhiidhi lahaayeen kan ay ku hayaan dowladaha Mareykanka, Kenya iyo Itoobiya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hadii hadafkoodu uu yahay inay laayaan dad shacab ah ay ku beegsa kareen meel ka dad badan Ex koontorol Afgooye, isgoo dadkii shacabka ahaa eek u dhintay qaraxaas ku tilmaamay dagaalyahanadooda oo kale, kuwaas oo uu sheegay inay yihiin shahiid.

Cali Dheere ayaa sheegay in Turkiga hadafkiisu uu yahay inuu qabsado Soomaaliya ee uusan u gargaareyn, sisagoo tusaale u soo qaatay dalka deriska la ah ee Suuriya oo uu sheegay in duqeyn uu ku laayey kuwii u soo carara gudaha dalkoodana xuduuda lagu toogto.

“Dagaalkeenu kuma wajahna qof kasta oo Turki ah ee waxaan beegsaneynaa qof kasta oo la shaqeeya nidaamka calmaaniga ah ee wadankaas ka taliya, dadka Turkida ah ee iska ganacsada diinta Islaamkana haysta waxay noola mid yihiin muslimiinta kale ee dunida waana naga nabad galaayaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Waa markii ugu horeysay ee warbaahinta Al-Shabaab laga maqlo codka Cali Dheere oo ay dowladda Soomaaliya sheegtay inay dishay, waxuuna Cali Dheere saaxada ka maqnaa in ka badan shan bilood oo lagu tirinaayey inuu dhintay.

Dhinaca kale sheegashada Al-Shabaab ee qaraxaas ayaa ku soo aadeysa iyadoo maanta war ka soo baxay hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed lagu sheegay in dal shisheeye uu soo abaabulay qaraxaas baaritaanana ay socdaan, wallow aysan NISA shaacin dalkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*