29th March 2024  admin  Category :

Xildhibaanada Beesha Isaaq oo dhaliilay qoondada lacageed ee dowladda federaalku ugu dartay miisaaniyada 2020 maamulka SNM.

Miisaaniyada 2020ka oo ay si wadajir ah uga doodayeen labada aqal ee barlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa dowladda federaalku waxay u qoondaysay Somaliland 400kun oo dollar oo loogu talagalay guddiga wadahadalada dowladda Federaalka iyo Somaliland.

Qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa sheegay in miisaaniyada cusub aysan mudnaan siinayn baahiyaha ay qabaan dadka Beesha Isaaq ee dhinaca horumarinta iyadoo deeqaha ka imaanay beesha Caalamka ee lagu daray misaaniyada ay kor u dhaafayaan 240 Milyan oo dollar.

Xildhibaanadu waxay sheegeen in hoos u dhac uu ku yimid lacagihii deeqaha ee la siin jiray maamulka Somaliland iyagoo arrintaas masuuliyadeeda dusha u saaray wasiirka qorshaynta Federaalka Jamaal Maxamed Xasan oo waraaq uu u qoray beesha caalamka kaga dalbaday in deeqaha la siiyo Somaliland la soo marsiiyo dowladda federaalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*