26th April 2024  admin  Category :

Ciidamada kulla jirra dagaalka argagixisada Shabaab ayaa ah kuwo dhimashada ku suggaya xeryahooda. Inta badan, marka ciidamada lagu soo weerarayo xeryahooda waa kuwo aan feejigneen. Dhacdooyinka gaadmada ah ee Shabaab waa kuwo soo noqnoqday marar badan oo kalla duggan, mana jirto wax cashar ah oo laga bartay arrintaas iyada ah.

Hadaba, dagaalka lagula jiro argagaxisada waxaa qeeyb ka ah ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida, mana jirto wax horumar ah oo laga sameeyay sannadihii uggu danbeeyay. Qorshayaasha ciidamada dawladda ay ku dagaal gallaan iyo qidadaha waa kuwo isku nooc ah oo aan isbedel laheen, taasina waxeey u sahashay argagaxisada Shabaabka ineey maalin kasta laayaan ciidamo badan.

Tusaale, marka laga qabsado argagixisada magaalooyinka waxeey u baxaan magaalada bannaankeeda ama duurka, dabadeedna waxeey billaabaan ineey weeraro gaadmo ah ka soo qaadaan oo ku soo qaadaan ciidankii ka sameestay xeryaha magaalada gudaheeda ama daafaheeda.

Si kastaba ha ahaatee, haddii la doonayo in argagixisada laga adkaado waa in lala jaan qaadaa qaabka ay u dagaal gallayaan lana a abuuro ciidan ka ugaarsada Shabaabka duurka ama miyiga kuwaas oo u socda boqol boqol iyo konton konton sida ay iyaguba sameeyaan. Haddaan sidaa la sameen, dagaalka lagula jiro argagixisada ma noqon doono mid laga guul gaaro.

Teeda kalle, ciidanka xeryaha deggan, waa in ay leeyihiin illaalo kuwaas oo jooga daafaha xeryaha oo haddii la soo weeraro u digga kuwa xerada jooga. Maanta waxaad arkeesaa in ciidankii  oo dhan inta xerada ay isku ururiyaan dabadeedna ay iska wada seexanayaan sidii dad jooga dhul nabad ah. Haddii ayba dhacdo in illaalo la sameeyana, waa kuwo jooga xerada albaabkeeda kuwaas oo noqda kuwa ugu horeeya ee xabadda ay la tagto, balse ciidanka illaalada haddii la dhigi lahaa meel ka fog xerada, ma dhacdeen in aragagixisada ay soo gallaan xerada.

Hadaba, dawladda waa ineey la timaaadaa hab cusub oo ka duggan midkii horrey u jiray ee aan waxba soo kordhin, waana in la raadiyaa oo la hool gelliyii raggii hore ee ciidanka soo ahaan jiray ee aan aheen kuwa maanta darajada la isaga xiray ee mooryaanimada ku indha dilaacsaday kuwaas oo ah kuwo aan garaneen qidadaha dagaalka uu u baahan yahay.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*