26th April 2024  admin  Category :

Maalin walba iyaga oo   magac cusub wata ayeey la kulmaan madaxweynha Soomaaliya,

 Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kulan talo-wadaag ah la qaatay qaar kamid ah Ururrada Bulshada Rayidka ah ee ku nool magaalada Muqdisho.

Kulankan oo lagu xoojinaayey xiriirka wada shaqayneed ee Urrurada Bulshada iyo dowladda ayaa xubnaha ka socday Bulshada Rayidka ah waxa ay u soo gudbiyeen Madaxweynaha talooyinkooda ku aaddan dib-u-habaynta garsoorka, dib-u-eegista dastuurka, la dagaallanka musuqmaasuqa, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimo kale oo muhiim u ah dowlad dhisidda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladdu ay siinayso Bulshada Rayidka ah fursado ay kaga qayb qaataan talada dalka maadama dowladda haatan jirta ay tahay mid ka tarjumaysa rabitaanka Shacabka.

Madaxweynaha ayaa yiri “Kaalin muhiim ah ayaad ku leedihiin in aad nala wadaagtaan dhaliisha iyo bogaadinta arrimaha noo qabsooma iyo in aad u soo bandhigtaan bulshada caqabad kasta oo ka hor imaanaysa dowladnimada.”

Raiisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa madasha ku soo bandhigay warbixin ku saabsan wada shaqaynta xukuumadda iyo Ururrada Rayidka ah, gaar ahaan gurmadkii abaaraha iyo dib-u-hanashadii saxiixa deeqaha caalamiga ah.

Kulankan waxa uu qayb ka yahay kulamo joogta ah oo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu la yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada si uu u dhagaysto talooyinkooda.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*