26th April 2024  admin  Category :

21/2/2010

Allah ha u naxariistee Cali Samatar Soomaali waa u wada ilmaysay dhimashadiisii

Washington: Tan iyo intii dacwadaha raqiiska ah lala dabagalay naftii hure Jeneraal Cali Samatar, ayaa waxaa isa soo tarayay in ay ka qiiroodeen cid walboo ay ku jirtay ama ku hadhsan tahay qiiro wadaninimo sababta oo ah waxaa la garan waayay waxa Jen Cali Samatar uu kaga duwanaaday Jen Ina Laxwas, Ina Ismaaciil Cali Abakor  oo intuba wada nool yihiin kulana jiray golihii sare ee kacaanka.

Waa in la maxkameedyo kooxaha SNMta ee xasuuqa ka gaystay Burco, Hargaysa, Boorame, Ceerigaabo, Xudun iyo Buuhoodle?

Waxaa kaloo muuqata waxa loo keeni waayay saraakiishii ka soo jeeday Hargaysa ee dadka ku xasuuqi jiray gobolada dhexe ee Mudug iyo Galgaduud eek ala ahaa Ibraahiim Dhegawayne, Muuse Biixi iyo kuwo badan oo kale oo galay jariimooyin. Waxaa kaloo loo baahan yahay in la keeno saraakiishii SNM ee xasuuqa ka gaystay Burco, Hargaysa, Boorame, Ceerigaabo, Xudun iyo Buuhoodle oo si wanaagsan ugu nool Maraykanka iyo Ingriiska loona baahan yahay in dacwad deg deg ah lagu furo.

GobolkA Sool?

Tan iyo 2004tii waxaa ka dhacay gobolka Sool falal argaixisnimo oo isugu jira dil dhac iyo weliba in jeelalka lagu hayo dad badan oo waxba aanan geysan jeelka Laascaanood ayna geysteen jabhada SNm ee hadda gacanta ku haysa gobolkaas hadan dacweynaya Jen Maxamed Cali samatar. Waxaana had iyo gooraale ku faana sida ay raaliga uga yihiin dhamaan madaxda iyo horjoogayaasha mucaaridka ee isku sheega Soomali-Land.

Maafiya Itoobiya laga soo abaabulay?

intii uu hayay talada wadanka dowladii kacaanka ee uu ku xigeenka ka ahaa Jen Maxamed Cali samatar waxay ka qabatay waxbarashada, caafimaadka iyo horumarinta waa cadahay ilaa ay candhablaha gooyeen maafiya laga soo abaabulay Itoobiya.

Maadaama Jen. Maxamed Cali Samatar loo daba galay maadaama uu ka soo jeedo reeraha la hayb sooco oo la isleeyahay jeel ku rida, ma ka dhiidhiyi doonaan kuwii uu habeen iyo maalin u shaqayn jiray isagoo direeska gashan kuna shaqaynayay Soomaaalinimo?

Waxaa la ogaan doonaa ayaamaha soo socda halka Soomaali iska taagto kiiska Jen.Cali Samatar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*