26th March 2024  admin  Category :

2/6/2010

Magaalada Boosaso ayaa loo yaqaany “gaariwaa” Xiliyadii  Dawladihii hore  ee Soomaaliya oo ay kala hogaamin jireen Allah ha u naxaristee CabdiRashiid Cali Sharmarke iyo CabdiRizaaq, sababata magaca loogu bixiyey, ayaa waxay ahayd iyada oo caasimadda Soomaaliya ee  Muqdisho ka fogayd, oo aan  waddo laamiya  lahayn,  Dekadini  ka shaqayn.

Degaandan oo ay ka soo jeedeen Madaxdii hore ee Soomaaliya,  ayaa ahaa kuwo g’odoon ah, gawaari tegin ,haba yaratee aan lahayn wax horumar ah. Laakiinse  Madaxdii markaa xolka haysay ay ku mashquulsanaayeen    dano gaar ahaaneed sida kuwa  maanta Puntland jooga.

 

Soomaalida ayaa indhaha waxay ku kal qaadeen  Lixdameeyadii,  Afar Nin oo ilmo Adeer ah oo isaga soo horjeeda labo labo, kuwaas oo kala ahaa CabdiRashiid Cali Sharmaarke iyo Wasiirkii Arimaha gudaha Yaasiin Nuur Xasan  iyo dhinac kale oo ahaa CabdiRizaq Xaaji iyo Maxamed Abshir oo ka soo horjeeda  waana arinta  Siyaasiyiinta qaarkood  leeyihiin  waa tan keentay Dilkii Cabdirashiid iyo in uu  Wadanka gacanta ku dhigo Maxamed Siyaad oo hogaaminayey  Kacaankii 21 Oktoober.

 

Madaxda Afartan Nin oo ilmo adeerta ah waxa ka  horeeyey ,Sanado ka hor markii labada Soomaali ee Koonfur iyo Waqooyi ay  isku darsadeen, ayaa waxa loo waday in uu noqdo Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Allah ha u naxariistee uu noqdo  Cabdulaahi Qablan, o ka mid ahaa siyaasiyiintii ka soo jeeday waqooyiga Soomaaliya

Markii ay arintan maqleen ayaa waxa u yimid Cabdulaahi Qablan  Allah ha u naxariistee Dhamaantoodba  CabdiRashiid Cali Sharmaarke iyo Muuse Boqor iyaga oo Ergo Harti ah , waxayna ka codsadeen  Qablan   in uu ka tanaasulo Gudoomiyaha Baarlamaanka  ,sidaas awgeedna ay rajo fiican  ka qabaan inay noqdaan Raisawasaare ama Madaxweyne, wuuna ka yeelay arintaas  Allah ha u naxariistee Qablan, inkastoo Cigaal iyo qar ka mid ah Siyaasiyiinta Koonfureed ay rabeen in Qablan qabto Madaxda  u sareysa Dawlada.

 

Beeshii 30 sano ka hor ay ku fashilantay Dawladii Soomaaliya  isqab qabsigsigii  ka yimid  dhexdooda , ayaa waxay isugu yimaadeen shir 1997, Magaalada Qardho, ka dib bur burkii Soomaaliya ,waxaana dhacday mid la mid ah tii Lixdankii oo waxa Bilowday is qab qabsigii kaas oo ka dhexeeyey Chairmaankii iyo Taliyihii Ciidamada SSDF waa Cabdulaahi Yuusuf iyo CabdiRizaaq Xaaji, wuxuuna horseeday fashilaad iyo in lagu kala dareero Shirkii , wuxuuna sababay Khilaafkani inay Xamar tagaan oo ay kala raacaan Caydiid iyo Cali Mahd oo Sanado ka hor soo qaxiyey Muqdisho Beelaha Daarood.

 

Khilaafkani wuxuu saameeyey Daarood gebi ahaan ,waxaana kuu cadeenaysa saamayntan, ka dib markii beesha Hawiye ay  ku heleen  awood siyaado ah  Shirkii Qaahira oo Masaaridu la shir timid,  in  Raisa Wasaaraha iyo Madaxweynahaba laga dhigaayo Qabiilka   Hawiye waa  Ina Caydiid iyo Cali Mahadi. Waana tan keentay in Daarood Shirkaa fashiliyaan kuwaas oo ahaa Adan Gabyow Allah ha u naxariistee Cawad Casharo iyo  Cumar Xaaji, hadalkii oo Caamir Muuse oo ahaa wasiirka Arimaha Dibada Masar Xiligaas,  hadana  ah Xooghayaha guud ee Jaamacada Carabta ka sheegay BBCda wuxuu ahaa Cabdulaahi Yuusuf waxaan ku bedelaynaa Maxamed Abshir ,Aadn Gabyoowna waxaan ku bedelaynaa  Jees.  Ninka la yiraahdo Cawad  Casharo  ” Beentiisii uga buuxday Bangiyada waa dhamaanaysaa” sidaa waxa yiri Amar Muuse.

 

Arintan foosha xun oo beesha  Hawiye oo Sanado ka hor Dadka soo qaxiyey,loogu abaal marinayo  Madaxweyne iyo Raisa Wasaare, ayaa waxa ka xumaaday Dhamaan Bulshada Daarood gaar ahaan Harti oo Hormuud u ahaayeen Xisbiga USP ,aqoonyahankooda,Garaadadooda iyo Suldaanadooda waxaana la g’aansaday in aanay soo dhoweyn Dawlad Soomaaliyeed Xilliyadan,  sidaas awgeed ay sii samaystaan Meel ay ku sugaan Dawladanimo, Dadka mahada gaarka ah leh waxa ka mid ah Maxamed Cabdi Xashi,waxaana la bilaabay shirkii Dastuurka oo lagu qabtay garoowe Feb 1997 

 

Ugu danbayntii Siyaasiyiintii noocaa ahaa oo Degaanada ay u dhasheen loogu magac daray Dhulkii g’odoonka,hase ahaatee horu marka maanta ka jiraa uu u sameeyey Madaxweyne ka yimid Gedo,oo Beeshiisii Sade Daarood maanta Puntland ay ka doorteen Gal Mudug, ayaa waxay bilaabeen Olole ka dhan ah Beel ka mid ah Beelaha Puntland awoodna u leh inay damiso iftiinka ka jira Puntland, hase ahaatee waxaan la g’aranayn in ay cashar u qaadanayaan Taariikhda inta Soomaali Dawlad lahayd

Khaalid uurcad khaalid1970@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*