4th May 2024  admin  Category :

Beentii Siyaasiyiinta Isaaq wax ku raadsan jireen, nin waalan ayaa kashifay.

27 sano, siyaasiyiinta  beesha Isaaq waxay caalamka lacag uga soo qaadanayeen masiibo ayaa ku dhacday  bulshada ku nool gobolada Sool iyo Sanaag.  Maanta beentii SNM, waxa kashifay nin waalan oo beentii Qaramada midoobey loo dhoofin lahaa ka sheegay dalka gudihiisa.  Beenta la doonayey in Qaramada midoobey loo diro ayaa waxay  ahayd in degmada Badhan ay haraad ugu dhinteen hooyo iyo cunugeeda , qof Waayeel ah iyo qof ka mid ah barkacayaasha ku nool degmadaas

Madaxa Hay’adda Salaam Development Society – SADSO oo ka shaqaysa arimaha gargaarka iyo Horumarinta kana howlgasha Gobolka Sanaag Mudane: Caydaruus Axmed Faarax ayaa Dabaraani Media Inc u sheegay “inaanay jirin cid biya la’aan ugu dhimatay gobolka Sanaag” wuxuuna intaas ku daray inay jiraan biya yari baahsan laakin aanay xaaladu gaadhin in bani’aadan u dhintaan.
Mudane Caydaruus waxa uu ka jawaabayey hadal uu sheegay wasiirka Horumarinta biyaha Somaliland oo ahaa in “Saddex Qof Ayaa Biyo La’aan Ugu Dhintay Badhan

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*