17th May 2024  admin  Category :

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed oo gaaray magaalada Nairobi

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa goor dhow ka degey garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi kadib markii ay ka soo kicitimeen caasimada dalka Ethiopia ee Addis Ababa.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatti ayaanan ku soo dhoweyn garoonka diyaaradaha madaxda labada dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia iyadoo aan la sheegin sababta rasmiga ah ee uu Madaxweyne Uhuru u sharfi waayay labadan hogaamiye.

UJeedada booqashada labadan hogaamiye ay ku tageen magaalada Nairobi ayaa la sheegay inay tahay sidii loo dhexdhexaadin lahaa khilaafka u dhexeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in subaxnimada Arbacada ee berri ah saacada geeska Afrika marka ay tahay sagaalka subaxnimo ay madaxdan yeelan doonaan kulan saddex geesood ah.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee uu ku tegey dalka Kenya ayaa dadka siyaasada falnaqeeya ay aad u dhaliileen iyagoo sheegay inay wanaagsanaan lahayd in dal kale uu kulankan ka dhaco.

Dowlada Kenya ayaa bishii aynu ka soo gudubnay safiirkii Soomaaliya ka soo eridey dalkeeda iyadoo sidoo kale dib ugu yeeratay safiirkeeda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*