26th April 2024  admin  Category :

Aqoon yahan ka soo jeeda gobolka Bari ayaa lagu dilay Muqdisho

Waxa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya lagu dilay Marxuum C/xaafid  Yusuf  Ibraahim Oo ka Mid Ahaa Hawlwadeenada Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Marxuumka ayaa u geeriyooday Qarax Banbaano oo Baabuurkiisa lagu xiray,kaas oo uu caawa u Geeriyooday.

Marxuumka ayaa ka mid ahaa Dhalinyarada ahaa ee dalka Suudaan Cilmiga Shareecada kusoo bartay,wuxuna deegaan ahaan kasoo jeeday Magaalada Tisjiic Ee Gobolka Bari.

Marxuumka la dilay  ayaa ka soo jeeday Beesha Dishiishe, Reer Xaaji

Bahda  Allsanaag  wuxu tacsi udirayaa Dhamaan Qoyskii,Qaraabadii iyo Asxaabtii uu marxuumku ka geeriyooday,waxana Allah  uga baryeynaa in uu janadii Fardowsa geeyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*