18th April 2024  admin  Category :

Cutubka 1aad

Dhalasho iyo Korriimo

Waxa aan dhashay gu’gii Deera Laaye. Sanaddaa roob mahiigaan ah, ayaa inta carrada oo dhan ka da’ay daaddadkii iyo dhiirigii uu reebay duunyadii iyo ugaartii oo dhammi ku hafatay oo dhaqaaqi wayday ilaa la gaaray heer ay ugaaratadu aayar deerada iska soo qabqabsato. Aabbahay Ismaaciil Cali waxa uu ka dhashay Warsangeli, lafta Reer Xaaji, hooyadayna Faadumo Aw Nuux waxa ay ka dhalatay Dhulbahante, lafta Wacays Dheere [Reer Wacays?]. Xagga aabbe, todoba wiil iyo saddex gabdhood oo dhammaantood iga waawayn ayaa ila dhashay. Saddex sano oo kaliya ayaan jiray markii aabbahay lagu dilay dagaal dhex maray Dhulbahante iyo Warsangeli. Geelii aabbahay waxa uu sidaa ku noqday hanti reeraha oo dhan ka dhexaysa, arigiina (riyihii iyo idihii) waxaa qaybsaday carruurtiisii oo bah walbaa qaybteedii heshay. Sababta garan mayo, laakiin aniga qaybtaydii ariga waxaa kala bartay hooyaday iyo walaalkay Cabdille.

Hooyaday mar kale ayay guursatay, waxayna dhashay ina hooyahay Cabdiraxmaan la yiraahdo. Cabdille, ina aabbo, oo markaa ilaa 25 jir ahaa, ayaa i kafaalaqaaday aniga oo i soo koriyay. Geela reerka oo soddomeeyo ilaa afartameeyo dhammaa ayuu raaci jiray. Beryihii hore garbaha ayuu igu qaadi jiray meel walba oo uu aadayo, markii se aan afar jirsaday hal hebed ah ayaa la i saari jiray. Hashaa ayaan marka la cuntaynayo ka soo degan jiray oo isla iyada la ii lisi jiray. Magaceedu Xumbey ayuu ahaa. Ilaa waagaa hashaa qalbigayga meel qaali ah ayay kaga qornayd, maxaa yeelay marna ma illoobi karo sidii ay hooyo labaad iigu ahayd.

Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa waxaa ii muuqatay haweenay meel fadhida, dabadeedna inta ay magacayga iigu yeedhay ayaa ay i tiri “ma i garanaysaa?” Waxaan ugu jawaabay “maya, ma haweenka dunida oo dhan baan aqaan!” Waxay tiri “anigu hooyadaa baan ahay.” Waxay i siisay xabbado timir ah oo faraqa ugu xirnaa. Wax aan waligay arkay ma ahayn, sidaa awgeed ayaa waxa aan wayddiiyay in aan ceeriinka ku cuno iyo in kale. Aad ayaan uga helay, wax macaan oo wanaagsanna waa ahaayeen. Sidaa darteed, qaar ayaan meel ku qarsaday. Maalintaa caano ayaannu wadaagnay, habeenkiina laabteeda ayaan ku gam’ay. Subixii dambe ayay igu tiri Cadcaddo ii raac, magaalo xeebta ku taal oo ay deggenayd. Halkaa ayaan bad ku arkay oo aad ula yaabay dhanaanka markii aan damcay in aan biyaha cabbo. Aad ayaan ugu raaxaystay in aan bataaxa xeebta ku boodboodo oo carruuro kale kula ciyaaro.

http://www.wardheernews.com/wp-content/uploads/2013/09/Dalmar-Taariikh-Nololeedkii-Ibraahim-Ismaaciil.pdf

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*